Oodweyne News - Latest Somali News Update

“Puntland Way Isaga Filan Tahay Cadow Kasta Oo Ku Soo Duula Nabadeeda Iyo Jiritaankeeda”.Madaxweyne GAAS

Waxaan aniga iyo wafdi aan hogaaminayo ku suganahay magaalada taariikhiga ah ee Qandala oo dhawaan ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ka sifeeyeen Kooxihii nabad diidka ahaa.

Saraakhiishii ciidanka iyo dadka magaalada Qandala ee aan la kulanay ayaa noo sheegay in Kooxahan nabad diidka ah ay mudadii yarayd ay ku sugnaayeen magaalada bur buriyeen dhamaan xarumahii adeega bulshada, taasoo shacabka Puntland tusaysa cadaawada iyo arxan-darada kooxahan.

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa ka sifeeyay kooxahan magaaladda Qandala oo ah magaalo taariikhi ah, ahna marin istaraatiiji ah.

Ama Shaati Argagixiso sooxiro ama Mid Federaal ama mid Qabiil, Waxaan idin balan qaadayaa inaan cadowkasta oo nabadeena iyo Jiritaankeena kusoo duula, u dhigno cashar lama ilaawaan ah.

Waad Mahadsantihiin”