Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ma Inoo Dan Baa Qabta Doorashadda?

 Horaa loo yidhi, Waayaa Dunidaba, Nin Waydda Hayiyo, Wanaag Nin Qabaa, Walaalo ahe, Hadaad Maanta Wacan Tahay, Ma Ku Waari Doontaa,Wadda daalacdaay, Dayro dhaafyadaa,Darxumooyin iyo, Habaas duulayoo,
Dawo loo rabuu, Xishood li’idda damac, Madaxnimo dalbaday,Ina Biixi daya, Ummadaa dayacan, Ku dul ceesha yidhiye, Is dul taagayaa, Waan dardaarmayaa, Deris baan dhigiye, Dabuutaydan maqal, akhristaw, waxa taagan oo aad si cad u aragtaa, heestii waa ayaan-ba-yaan, duni aakhir sabaan, nin aroosanayaa, nina aas tegayaa, bal eegga kii wajaqnaa ( Ina Biiga ku sheegtaan), oo maalinba keeg ku cuna Xaflad, oo ummadduu ka doonaayey foodka , si cad u yidhi dani igama kiin hayso, haddii aad rogmataan iyo haddii kaleba, ee khasab ta aan rabo iyo waxan doonaayo iigu fuliya, waa kaa ka madxnimadda u soo faqatiirtay, una soo tafa xaytay hanti boobka, waxa yar ee ka sii qiiqaaya, intii ay hore carrabka u mariyeen, ma idin la tahay, in aynu sidaa yeelo muwaadin? Jawaabtu waa maya, wax suuro-gal ah maaha, balse ila eeg horta tixdan gaaban, oo aan curiyey saaka:-
Abaar daalaleey, dal ku baahdayoo,
Daw iyo banaan, dooxo iyo gunburo,
Buuraha degtoo, oo duunyaddii,
Dadku dhaqan jireen, doog ay la’doo,
Cawsna daa warkii, loo soo debero,
Ma inoo dan baa, Qabta Doorashadda?
Ninka doonayaa, Waa duuflaal xun iyo, 
Duli aan naxayn, Waan idiinka digay
Biyo loo dawero, lo’ddii diir casayd,
Ido iyo damaan, Dayr-cadkii hor weyn,
Dhulka aanay deyin, dariiqyadda lafuu,
Ay ku daadsanyiin, oo dadkii dhamaan,
Dumar iyo caruur, duq waayeel ahiyo,
Ma inoo dan baa, Qabta Doorashadda?
Ninka doonayaa, Waa duuflaal xun iyo,
Duli aan naxayn, Waan idiinka digay
Doob iyo habluhu, dibnaa aanay qoyn,
Macaluul dartii, derbiyadda hurdaan,
Hadba degel cidla ah, digaddii xeradda,
Dib u eegayaan, bakhti daasan iyo,
Qaar duleed fadhiya, oo duud engegay,
Ma inoo dan baa, Qabta Doorasgadda?
Ninka doonayaa, Waa duuflaal xun iyo,
Duli aan naxayn, Waan Idiinka digay.
 
Sii daawadaan, baashii la dayo,
Darxumooyin iyo, habaas duulayoo,
Dawo loo rabuu, xishood li’idda damac,
Ina Biixi daya, Ummadaa dayacan,
Ku dul ceesha yidhiye, wadda daalacdaay,
Ma inoo danbaa, Qabta doorashadda?
Ninka doonayaa, Waa duuflaal xun iyo, 
Duli aan naxayn, Waan idiinka digay.
 
Kuwo dufan bartiyo, dabaal baa jiroo,
Cidna kama dedenoo, waa dameer ciyiyo,
Ruux aan dareen, loo dacal dhabine,
Diir xanuuna iyo, damiirkii ka lumay,
Ina Biixi doqon, oo dalamsi raba,
Ma inoo dan baa, Qabta Doorashadda?
Ninka doonayaa, Waa duuflaal xun iyo, 
Duli aan naxayn, Waan idiinka digay.
 
Dilaal iyo warkii, ee dadyaw ogaw,
Codsigaa dadkiyo, dib ha loo dhigaa,
Ay diidanyiin, waxay doonayaan,
Adoo dabar go’oo, degdeg iil u gala,
Daayin kama dhigine, isagaa deldeli,
Ma inoo dan baa, Qabta Doorashadda?
Ninka doonayaa, Waa duuflaal xun iyo, 
Duli aan naxayn, Waan idiinka digay.
 
Qaban daamamkoo, soo laba diblayn,
Oo duub ku xidhi, duuf-laaladaas
Xusbigaa Dulmiye,raxmaan baa dabeed,
Duco naga aqbali, deeqdiisa wacan,
Daruur soo da’diyo, waqal daaha ka rogi,
Ma inoo dan baa, Qabta Doorashadda?
Ninka doonayaa, Waa duuflaal xun iyo, 
Duli aan naxayn, Waan idiinka digay.
Dabuubtaydan eeg, Waa digniin hor lehe,
Deriskaygan Maqal, Digtoonayaw Dadyahaw,
Yaan lagugu dagin, Daluun hoos ka qodan,
 Cad la deebiyoo, Duud aan bislayn,
Dinisaayo caal, cudur ay dedeen.
Ma inoo dan baa, Qabta doorashadda?
Ninka doonayaa, Waa duuflaal xun iyo, 
Duli aan naxayn, Waan idiinka digay.
Waxan ku soo gooyey maqaalkan sare aan ku qoray, ee xambaarsan Tixdda yar, Sheeko aan yaraantii maqli jirey, taas oo ahayd aan soo koobee, gabadh laga yara shakiyey, oo la yidhi naa fadfhiiso, oo tidhi ii dhakhsadda waa la i sugayaaye. Waxa loo sheegayaaba ay ka malafan yihiin, ina biixi iyo Xusbiga uu af duubay ee Dulmiye, waa noocaas, oo uma jeedaan, tallo umadeed iyo waxa dantu ku jirto, ee sidda inantaas bay leeyihiin, ku dhakhsadda doorashadda, dani kama hayso wixii dhamaanaaya, ee isaga waxa u daran kursiga oo uu ku fadhiisto, adna hadaad tahay muwaadinak uu kaa saxeedo, ee ma kaa suuro hashaa caynkaasi, maanta baa tallo iyo hubsiimo kula gudboon yihiin, iyo in aad isu sii birayso, oo uu hadh cad cunaha ku sii gashado inta aan la islaba gaadhin doorashadu wakhtiga ay qabsoomi doontpo, haddii alle idmo. sidaas awgeed waxa muhiim ah, oo danta dadka iyo dalku ku jirtaa in aan ku nidhaahno, cirka soo guji doorasho dhacaysaa ma jirto inta uu dalku xaaladan ku jiro’e.
Qore:- H.Handule.
 hudan.handule@yahoo.com.