Oodweyne News - Latest Somali News Update

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Wuqooyiga Maraykanka (North America) Oo Xilal Cusub Magacaabay

WARSAXAAFADEED  XISBIGA KULMIYE EE NORTH AMERICA
                                                                                   
UJEEDO:   MAGACAABIS XILAL                                                 January 10,2017
TIXRAAC: XKNA/# 6
KU: Aniis Cabdilahi Ciise -USA
KU:  Naasir Maxmud Xaaji Yusuf-CANADA
 KU:  Khadar Guun Jaamac-CANADA
KUMustafa Cabdi Ismail Daanshood-USA
KU:  Dr Maxamuud Ducaale-CANADA
KU:  Cabdikarim Ugaas Cabdilahi-CANADA
 
Og. Guddiga Fulinta North America
Og. Gudoomiyeyaasha Laamaha Xisbiga Kulmiye ee USA iyo CANADA
Og. Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye
Markaan arkay xilka ama jagada Gudoomiyeyaasha Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye ee North America iyo Muhiimadood:
Markaan La Tashaday Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee North America.
Markaan aragnay Xilkasnimadood  Shaqo, kartidooda iyo Dadnimadooda.Waxaan u  magacaabay  Gudoomiyaha Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye ee USA Mudane Aniis Cabdilaahi Ciise.Waxaan kaloo u magacaabay Gudoomiyaha Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye Canada Mudane Naasir Maxamuud Xaaji Yusuf , laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Jan 10,2017.
Waxaan kaloo u magacaabay, markaan arkay kartidooda iyo xilkasnimadooda:
 
1.  Mudane Khadar Guun Jaamac Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee North America, horena u ahaa Madaxa wacyi gelinta iyo abaabulka laanta Toronto.
2.  Mudane DR. Maxamuud Ducaale Afhayeenka Canada, horena u ahaa Afhayeenka Laanta Toronto.
3.  Mudane Mustafa Cabdi Ismacil Daanshood Afhyeenka USA, horena u ahaa Gudoomiyaha Dhalinyarada ee USA.
4.  Mudane Cabdikarim Ugaas Cabdilaahi Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Canada, horena u ahaa gudoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye laanta Toronto.
 
Waxaan ka codsanayaa xubnaha iyo guddiyada USA  iyo Canada ee Xisbiga Kulmiye inay  si hufan ula shaqeeyaan Madaxdaa kor ku xusan, iyagana waxaanu u rajaynaynaa in Ilaahay ku garab galo xilalkaas .  Magacaabista xilalkaasi waxay dhaqangalaysaa taariikhda la magacaabay ee kor ku xusan, xil-gudasho fiican.
Alla Mahadle
Mustafa Cabdi Cartan