Oodweyne News - Latest Somali News Update

CANADA: Daawo Xildhibaan Ahmed Hussen Oo Wasiir Looga Magacaabay Dalka Canada

CANADA(OWN)- Ra’isul wasaaraha dalka Canada  Justin Trudeau ayaa isbadal ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana uu badalay wasaaradihiisa arimaha dibada iyo Socdaalka ee dalkaas.

 

Ahmed Hussen, oo ah Nin Soomaali ah islamarkaana ahaa xildhibaan kasoo galay deegaanka York-South-Weston ee galbeedka Toronto ayaa loo magacaabaya  inuu badalo wasiirka socdaalka John McCallum.

Magacaabida Ahmed Hussen  ayaa layaab ku noqotay dadka dalkaas isagoo noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee Canada xilkaas ka gaara, waxaana axmed  maanta loo dhaariyey xilkaas cusub ee wasiirnimo.

 

 

Ahmed   oo ah Qareen ayaa Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho kasoo tagay isagoo kaligiis ah sanadkii 1996, da’yarkaas ayaana dadaal badan kadib ka mid noqday barlamaanka Canada.

 

Halkan hoose ka daawo.