Oodweyne News - Latest Somali News Update

Tix Gabay ah By Jaamac Maxamed Bile ( Cagaf- Cagaf )

Tixdan magaceedu waa gurmad waxay fasiraysaa abaarta daran iyo
Saamaynta ay ku yeelatay shacabkeenna iyo sida ay waajib u tahay in aynu
U gar-gaarno ilaahay baa gargaarlehe, kol haddii aanay jirin taakulo dhinaca maamulka ah.

 

 
1)- Abaaraha ka dhacay ee arliga ololiyee qiiqay
2)-Oonkiyo harraadkaa Bulshadu wada alaamayso
3)-Adduunkaa dhammaadiyo Oheey ehelka caydhoobay
4)-Arrimaha murgiyo eelka jira aragga yooyaalsan
5)-Argagaxa duruufaha qalbigu ka anfariiraayo
6)-Aafada dhacdiyo oohintiyo ayni xumadeeda
7)-Umulaha jashiyo caydigaa oomatada waayay
8)-Ummaddaa tabaaladu heshee aad u darayaysan
9)-Cidda keliya ee loo irkado ee ku wada aadi
10)-Eebbaha awoodda iskaliyo amarka weeyaane
11)-isagaa arsaaqdiyo anfaca uumyaa tar’e
12)-Isagaa abuuraha dhammaan uumay keligiiye
13)-Isagaa ahaw shaygu yidhi ku idmanaadaaye
14)-Ibta madarka ha inoo furee badiya aamiinta
15)- hadii uu hogaankii anbaday qaranku eegaayay
16)-Oo uu xilkii loo egmaday dhaafay aragiisu
17)-Ammaanada ilaah jeer hadduu aad u fududaystay
18)-Haddii uu ilaawoo inkiray shacabka eedaadsan
19)-Waayaha ilmada iyo xilliga iilashada wayda
20)-Inu ololeyaal iyo xaflado ku alalaaseeyo
21)-Aakhiro inuu nacay ifkana alamsi-boobaayo
22)-Rabbi wuu ogyahay aadmiguna wayla qirayaaye
23)-Adyadaha dammiirkiyo shakhsiga lagu abbaaraayo
24)-Geerida agteedii nin xumi ka ag ciyaaraayo
25)-Imtixaanka shacabkaa mutee loo arxamiwaayay
26)-Ishu macallin idilkiinna waa wada arkaysaane
27)-Bal ogaada oo waa abkiyo eheladeeniiye
28)-Isirkiyo duntiyo waa halkaad ka unkanaydeene
29)-U gurmada allaha khaaliqaa idin abaal sine
30)-In yar kii hayiyo ruux malyuun lagu ammaanaystay
31)-Qof kasteba itaalkiisu waa laguma eedaane
32)-Ha yeesho’e dadaal bay arini ku aflax gaadhaaye
33)-Is xilqaama oo ururiyoo aad wax ula gaadha
34)-Iimaanka negi waa arsaaq aad u waafiyahe
35)-Abidkii ibliiskuu bakhayl ka ag dhowaadaaye
36)-Iska naara shaydaanka oo ooga sadaqaatka
37)-Rabbi aaminkiisaa wax wayn lagu ahaadaaye
38)-Innaguna islaam baynu nahay diin ilaah qiraye
39)-Iska jira anaaniga naftoo eega waxa taagan
40)-U gurmada intii dagan allaa idin barwaaqayne.

 

 

 

Jaamac Maxamed Bile ( Cagaf-cagaf ) 10/01/ 2017