Oodweyne News - Latest Somali News Update

Adduunka & Internet-ka! Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

Sannadku markuu ahaa  1984kii, waa markii  u horreysay ee    Internetka adduunka laga shaaciyay. Ammintaas iyada ah  waxa  waxa gabi ahaanba adduunka oo idil laga isticmaali  jiray 1000 host oo qudhaata. Kuwaas oo ahaa  jaamacadaha iyo shirkahadaha dhawr waddan oo kaliya. 1998kii oo ahayd shan iyo toban sanno ka dibna  waxa isticmaali 50 milyan oo users ah. 11 sanno  ka dib oo noqonaysa 2009 kii 1Bilyan oo  qof ayaa isticmaali jiray. Saddex sanno ka dib oo ku beegan 2012 kii dadkii waa uu sii labanlaabmay oo waxa uu noqday 2.1 bilyan oo ruux. 2013 kii  waxa tirada dadka adduunka ku nool isticmaali jiray  39% , taas macnaheedu waxa weeye 3.7 bilyan  oo dad ah ayaa internet-ka isticmaali jiray sannadkii 2013-kii. Halkaas waxaad ka arki kartaa xawaaraha yaabka leh ee uu isticmaalka Internerku uu ku soconayo!

Haddaba bal aan idin soo gubdiyo warbixinihii la yaabka badnaa ee laga qoray isticmaalka internet-ka:

1. Daqiiqad walba dad ka mid ah dadka isticmaala mareegta Facebook-ga ayaa waxa ay wax soo galiyaan 2.5 milyan jeer.

2. Daqiiq walba dadka Twiterka isticmaala iyana waxa ay soo  gaashaan 300,000 oo shay.

3. Daqiiqadka kasta  Instagramka waxa la soo gashaa 220,000 oo shay oo waliba cusub.

4. Daqiiqad walba Youtube-ka waxa la soo gashaa muuqaalo isugeyntoodu ay  noqonayso 72 saacadood (hadda waa 60-dii ilbidhiqsi ee kasta)!

5. Waxa daqiiqaddiiba  Apple Store-ka laga  soo rogtaa (download) 50,000 oo Application.

6. Waxa daqiiqaddiiba Email-lo laga diraa 2 milyan iyo 2 boqol oo farriimood.

7.Daqiiqaddiiba waxa Amazon  hab online ah wax lagaga iibsadaa lacag gaadhaysa $80,000 oo dollar!

8. Halkii daqiiqo ee yimaadaba waxa mishiinka Google laga badhaa 4 milyan shay, (waxa laga baadhana waxa ugu badani waa waxyaabo aan faa’iido lahayn)!

8. Waxa sanadkii 2012-kii waxa WordPress oo qudhaata laga sameystay 72 milyan oo website, xagga bishii january ee 2014-kii oo kaliya laga sameystay 86 milyan oo website!

WAA CAJAAIBKA DUNIDA, HADDA WARBIXINTUU WAA 2014 KII EE BAL KA WARAN HADDII 2017-KANA AYNU BAADHI LAHAYN? ALLAAHAY WAA ALLE!

Qalinkii: Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

Facebook: Sayid Maxamed Cumar Darwiishka