Oodweyne News - Latest Somali News Update

Beesha Maxamed Axmed ee Cabdalle Isaxaaq (HY) Oo Caleema Saaraysa Suldaan Cusub kadib Markii Uu Suldaan Habaar Siyaasadda Ku Milmay

Waxa ka socota magaalada Hargeysa qaban qaabada xaflad a caleemo saarka suldaan Cabdalle Cabdiraxmaan Yuusuf (Guun) oo ay yeelan doonto Beesha Maxamed Axmed, ee Cabdalle Isaxaaq Care, suldaankani oo dhawaan lagu caleema saari doono duleedka bari ee magaalada Hargeysa goobta loo yaqaano Burcada-yar.

 

Suldaankani hada la caleema saaraayo oo ay isku ardaa ka soo wada jeedaan Suldaan Habaar, oo uu asaaskiisii lahaa xisbiga Kulmiye ayaa ku fashilmay in uu saldanada ku soo rido dhabadii dhaqanka, waxna aakhirkii beeshu isku raacday in la caleema saaro suldaan Cabdalle Cabdiraxmaan Yuusuf (Guun).

 

Suldaanka cusub ayaa ka soo jeeda qoys facweyn oo awoowyadii ka mid ahaayeen asaasayaashii magaalada Hargeysa, waxna hubaal ah in uu ku guulaysan doono xilkani culus ee maanta loo cumaamadaayo.

suldaancabdallecabdiraxmaan-208x300

Suldaan Cabdalle Cabdiraxmaan Yuusuf (Guun)

 

@ Qarannews