ALLA HAYNOO SAHLO

Alla haynoo sahlo

Keene iyo kordhiye

Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib in dhoweyd maynaan

Is waraysan bal waxaad iiga warrantaa KABTANKII  ka warramayay

Inantii lagu dilay guriga wasiirka hadalkiisii miyaad wax ka fahantay

Tabbadh tabadh aad aragto in wax ka yara si yihiin oo isku qasan

Ayaan ufahmay.

Kordhiye . saaxiib waarunoo markii ay war beeshay ee wixiiba

Ay khalad wada noqdeen eeguunbay noqotay.

Haddaan kaaga jawaabo KABTANKII  malaa waabu ka sareeyay kabtane

Wuxuu yidhi hebel hebel oo inata jeclaa yaa guriga garaacay dabeed way

Ka furtay dabeed wuu soo galay dabeed faashbuu qoorta kaga jaray

Dabeed guriga heblaayo ayuu tegay faashkiina halkaasu la tegey

Isaga iyo faashkiiba halkaasaa laga soo qabtay.

Mayay caqliga gashaa qofu aaladuu wax ku dilay inuu barkado

Miyaanu iska qariyeen annakaa wax aragnay.

Dabeed anigu aadbaan ula yaabay ninkan darajada badani saarantay

Ee wax aan cruurtu ku hadal warbaahinta udhiibay.

Haddii lagu yidhi wasiirka badbaadi waxay ahayd si habaysan

Oo la rumaysan karo uu warbaahinta uga hadlo

Saaxiib  cuqubada meesha ka socota ALLA HAYNOOGA SAHLO

Guuleed liibaan  snm1710@livecom.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker