Maxaad kala Socotaa Haweenaydii ugu Horraysay ee Madaw ah ee Noqota Madaxwayne ku Xigeenka Maraykanka

Joe Biden iyo Kamala Haris ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysteen doorashada Mareykanka oo ay  kaga adkaadeen madaxweyne Donald Trump iyo Mike sper.

 

Kamala.Haris Sanad kahor hammigeedi ahaa inay noqoto madaxweyne waa uu burburay, balse hadda waxaa ay dhigtay taariikh oo waxaa ay noqotay Haweeneydii ugu horeysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqoneysa Mareykanka. Nasiibkeeda waxaa uu isbadelay 16 bilood kahor.

 

Joe Biden ayaa u magacaabay Senator Kamala Harris inay noqoto kuxigeenkiisa. Waa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah ee booskan qabata dalka Maraykanka.

 

 

Tan iyo intii la sadaalinayey cidda jagadan qaban doonta, ayaa senataraddan laga soo doorto California  waxaa muddadaasiba loo arkaayey in ay tahay qofka ugu cadcad booskan.

 

 

Kamala Harris oo 55 sanno jir ah, Waxay ku dhalatay Oakland, California, waxaana iska dhalay waalidiin muhaajiriin ah oo aabaheed waxa uu ka soo jeedaa Jamaica, halka hooyadeedna ay ku dhalatay dalka Hindiya.

 

 

Waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Howard oo ka mid ah Jaamacadaha iyo Machadyada Mareykanka ugu caansan waxayna ka baratay maadada sharciga. Waqtigeedii Jaamacadda Howard waxay ku tilmaantay khibradadii ugu muhiimsan nolosheeda.

 

 

Waxay shaqadeedii ugu horreysay ka bilowday xafiiska xeer ilaaliyaha ee deegaanka Alameda.

 

 

Sannadkii 2003-dii waxay noqotay dacwad oogaha ugu sarreeya San Francisco ka hor inta aanan loo dooran haweeneydii ugu horreeysay oo Afrikaan ameerikaan ah ee noqota xeer ilaaliyaha guud ee gobolka California oo ah gobolka ugu dadka badan Mareykanka.

 

 

Ms Harris waxay sheegeysaa iney markasta aad ugu faraxsantahay jinsiyadeeda, waxayna iyada isku tilmaanatay iney tahay muwaadin Ameerikaan ah.

 

 

Kaddib muddo sideed sannadood ah oo ay ahayd xeer ilaaliyaha guud ee California Ms Harris waxa ay ku biirtay xisbiga Dimuqraadiga,

 

Halkaas oo ay sumcad weyn ka sameeysay oo ay noqotay xidig hankeedu uu aad u sarreeya.

Bilowgii sannadkii la soo dhaafay ayaa shaacisay musharaxnimadeeda Madaxweynaha Mareykanka iyadoo oo hortaagan dad ka badan 20,000 oo qof.

 

 

Waxay si isdaba joog ah doodo ugu kulmeen Mr Biden intii lagu jiray doodihii isreebreebka doorashada xisbiga dhexdiisa, gaar ahaan waxay si gaar ah ugu dhalleeceysay xidhiidhka uu la lahaa senatarradii hore ee door bidey kala sooca iyo cunsuriyada.

 

 

Sannadkii 2019-kii, waxay wargeyska Washington Post u sheegtay in siyaasiyiinta qaar aysan u qalmin iney qabtaan jagooyinka qaar sababo la xidhiidha midabkooda iyo halka ay ka soo jeedaan.

 

 

 

 

Markii ay kala tageen waalidiinteedu waxaa soo korisay hooyadeed oo ah cilmi baadhe cudurka kansarka baadha. Waxaa la dhashay gabadh lagu magacaabo Maya oo ah da’da ku xigta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker