Gaadhi Xamuul sida oo ku dhacay Dawga Sheikh

Gaadhi weyn oo nooca Xamuulka qaada ah, ayaa ku dhacay Dawga Buurta Sheikh ee ay marto wadada isku xidha Berbera iyo Burco, kaasoo ku qalibmay laamiga badhtamaha Buurta, meel loo yaqaano Xero daayeer oo figta Dawga ku beegan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Sheikh.

 

Gaadhigan oo siday Xamuul culus, kana yimi dhinaca Magaalada Berbera, ayaa shilku ku dhacay xilli ku beegan caawa Maqaariibtii, waxaana la sheegay in uu ka dhacay oo qayb kamida gaadhigu ka laalaado meel jar ah, halka qaybtiisa kalena xidhay labada haad ee wadada laamiga ah.

 

Jidka Shilku ka dhacay, ayaa ah kan qudha ee sida tooska ah isugu xidha Gobolada Somaliland ee bariga iyo Galbeedka, waxaanu halbowle u yahay guud ahaan isu socodka dadka iyo Ganacsiga ee dalka.

Lama oga sababta dhalisay Shilkan, hase yeeshee guddoomiyaha Degmada Ibraahim Cabdilaahi Cabsiiye oo khadka Telefoonka ugu waramay wariye ka tirsan Wargeyska Dawan, isagoo ku sugan magaalada Sheikh, ayaa ku tilmaamay shilkan mid aad u culus oo aan inta la xusuusto ka dhicin wadada Buurta dusheeda marta.

Guddoomiye Cabsiiye, ayaa intaasi ku daray in lagu howlan yahay sidii gaadhigaasi looga toosin lahaa wadada, si loo baneeyo jidka oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dad tiro badan oo ku gooshayey wadadaasi.
Waxa uu xaqiijiyey in Gawaadhi Wiish ah loo doonay Magaalada Berbera, kuna howlan yahay maamulka Gobolka Saaxil in la keeno Gawaadhi Wiish ah oo ay leedahay Shirkadda DPWORLD,

“Wadadii gaadhi weynbaa xidhay oo ku kala jeestay, kaasoo si aan waligeedba ugu dhicin Baabuurtu ugu dhacay, waana Baabuur weyn oo is jiid ah oo afar Taayir waxay ka laallaadaan jarka, afar kalena Buurta ayey saaran yihiin, xaggii dambena wadadiibuu ku xidhay labadii haad oo dhan laga dhaafi karaa ma jirto”ayuu yidhi Guddoomiyaha intaasi ku daray “hadda waxaanu daad guraynaynaa dadkii ku xayirnaa xagga huddusay oo aanu keenaynaa magaalada, meeshuna waa qabow, ilaa haddana dad badan iyo gaadiidbaa buurta dusheeda ku xaniban”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamul degmo ahaan iyo gobol ahaanba ay deddaal xooggan ugu jiraan sidii ay saameynta shilkan u xallin lahaayeen “iminka Dekeddiibaa lagu maqan yahay oo waxa doonay Cagafyadii waaweynaa ee ay isticmaalaysay DPWORLD si ugu yaraan hareeraha loo baneeyo, ayaa lagu maqan yahay”ayuu raaciyey.

Waxa kale oo guddoomiyuhu sheegay in maamulka Gobolku la xidhiidhay Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, taasoo dhankeedana gurmad laga sugayo.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay Shilkan, hase yeeshee waxa guddoomiyaha Degmada Sheikh walaac ka muujiyey qaabka gaadhigu u dhacay “gaadhigu wuxuu u dhacay si aad iyo aad u xun, markaa howshiisu ma yara oo wuxuu u baahan yahay in la badbaadiyo wixii saarnaa, wadaddiina laga qaado”.

Geesta kale, Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka ayaa baadhaya sababta dhalisay Shilka, iyadoo dhinaca kalena lagu hakiyey gaadiidka magaalooyinka Sheikh iyo Hudusay oo buurta labada dhinac ka ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker