Somaliand iyo Itoobiya oo ka Wadahadlay Cilaaqaadka Labada Dal

Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, Md. Axmed Shide, ayaa booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa ee Caasimada   Somaliland Arbacadii, waxaanay ka wadahadleen Somaliland cilaaqaadka labada dal.

Sida uu daabacay Warsidaha East Africa Business Week, ee ka soo baxa Uganda, kaasi oo ku warramay in JSL ay u soo jeedisay Itoobiya iyo Masar inay dhexdhexaadiso khilaafkooda la xidhiidha biyaha Webiga Niilka.

 

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen masaalixda labada dal.

Warsidaha East Africa Business Week, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin xulafo aad iskugu dhow oo ku yaalla Geeska Afrika, gaar ahaan, waxaa labada dal ay shuraako ku yihiin casriyeynta marsadda Berbera oo Itoobiya ku leedahay Saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban.

 

Waxa kaloo, Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqeeyaan jidka dhererkiisu yahay 250Km oo isku xidhaya Berbera iyo magaalo xudduudka Wajaale, kaasi oo ay gacanta ku hayso dhismihiisa Hay’adda Abu Dhabi Fund ee dalka Imaaraadka Carabta.

Somaliland waxa kaloo ay xidhiidh la yeelatay dhawaan dalka Taiwan, waxaana iskaashigaasi ka xumaaday Shiinaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker