Boqor Salman Oo Lagu Sameeyey Qalliin Looga Saaray Xameetida

Boqor 84-jirka-ah ee Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa shalay lagu sameeyey qalliin looga saaray xameetida, waxaa sidaas sheegtay maxkamadda boqortooyada, saddex maalmood kadib markii isbitalka la dhigay.

 

Waa wax nadir ah in Saudi Arabia ay ka warranto xaaladda caafimaad ee boqorka gaboobay, kaasi oo dalkaas xukumayey tan iyo sanaddii 2015.

Boqor Salman, ayaa ah boqorkii labaad ee mid ka mid ah dalalka Khaliijka oo toddobaadkan isbital la dhigo, kadib markii boqorka 91-jirka-ah ee Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah sidoo kale la dhigay isbital.

 

Boqorka “wuxuu maanta isbitalka Boqor Faysal ee magaalada Riyadh ku maray qalliin looga saaray xameetida,” ayey tidhi maxkamadda boqortooyada oo bayaan ay soo saartay lagu baahiyey wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Boqorka ayaa isbitalka kusii nagaan doono muddo, kadib qalliinka “lagu guuleystay”, ayuu bayaanka intaas ku daray.

 

Boqor Salman ayaa isbitalka la dhigay Isniintii, si tijaabooyin caafimaad loogu sameeyo, kadib markii uu olol ka dareemay xameetida.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker