GOLAHA CUSUB EE BARLAMAANKA SOMALILAND 2020. MAXAY SOO KORDHIN KARAAN. MISE XAALKU WAA QAATAYE. ADNA QAADO. ?????!!!!!!!

Waxa run ahaanti maanta Somaliland u baahantahay in ay yeelato, baarlamaan dhalinyaro aqoon leh oo wax baratay u badan yihiin, in ay dalkan usoo baxaan oo ay badalaan dhagxantan meesha fadhida mudada dheer.

Hadii ay suurto gal tahay, waxa haboon in dhamaantood wakiilada cusub imtixaan laga wada qaado, la xog waraysto kartidoo  shaqo, aqooneed iyo waxay dalka iyo dadkaba ay ku soo kordhin karaan hadii la doorto.

Waxa Somaliland ragaadiyey baarlamaan ma dhalays ah oo dalkan kufsaday, oo dalkan dhiiga ka jaqaayey ku dhawaad mudo labaatan sanadood hada laga joogo.

“IN SUCH A LONG AND TOTALLY UNFORGIVING AND IMMENSELY UNBEARABLE LONG PERIOD OF TIME. I HAVE HONESTLY NEVER SEEN OR PERHAPS, EVER WITNESSED IN ANY DEMOCRATICALLY ELECTED PARLAMIANT WITH THOSE NEVER-CHANGING FACES OF SHAME OF THE SOMALILAND PARLIAMENT.”

Hadaba hadaanu nahay shacabka reer Somaliland, waxyaalaha aanu uga baahanahay golaha cusub ee dalkani yeelan doono waa…
1) In ay noqdaan dad la soo xulay oo lagu soo xulay aqoontooda, kartidooda, oo ay dalwadu usaarto gudi madax banaan oo imtixaan ka qaada. Gudidaas oo go’aansan doonta in qofkani yahay mid u qalma iyo in loo baahan yahay in la soo bedelo intaba.
2) In ay noqdaan dad Ilaahay ka cabsanaaya oo ehlu salaad ah, oo aan jeebkooda iyo calooshooda usoo shaqo tegin, laakiin usoo shaqo tegay in ay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan, si daacad iyo karti ku dheehan tahay.
3) In ay noqdaan kuwo ka dheer qabyaalada, Isla markaasna ku laabta oo wax u qabto dadkii soo doortay ee codkooda soo siiyey. oo run ahaantiina ah dadka la dayacay ee codkoodiina hore jeebabka looga buuxsaday, dibna aan loo fiirin baahida ay qabaan maanta.
4) Waa in golaha wakiilada ee cusubi ay noqdaan kuwo ku cibro qaata kuwii ka horeeyey ee lagu khasaaray, iskana ilaaliyaan dariiqii ay kuwii hore mareen in ay iyaguna qaadaan amaba ay qardajeexaan.
5) Waa in ay ahaadaan kuwo Somaliland si dhab ah u aaminsan ee aan magac ahaan u aaminsanayn dalkan, kana run sheega xilkan ay umada u qaadeen, ogaadaana in ilaahayna daawanaayo, kulana xisaabtami doono, talaabo kasta oo ay qaadaan. Wanaag iyo xumaan waxay ahaataba.

WAXAAN U RAJEYNAYAA GUUL GOLAHA CUSUB EE WAKIILADA EE SOMALILAND AY YEELAN DOONTO. HADII ALLAHA AWOODA LIHI OGOLAADO.
SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO. INSHA ALLAH.

 

Amb. Mohamed Ismail Hussein (Balishire)
Former Somaliland Special Representative to Australia.
Somaliland Mission Australia.
Email: somalilandfoundation@live.com.au
Phone: + 252 633 165 005. (For WhatsApp only)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker