Buuga ay Qortay Haweenayda uu Donald Trump Adeerka u Yahay oo hoos u dhigay Codkiisii

Shan Arrimood Oo Naxdin Leh Oo Ku Jira Buugga Lagu Kashifayo Donald Trump Buug waxyaabo badan lagu kashifayo, oo ay qortay haweeney uu adeer u yahay Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu sheegay in uu yahay “qof naftiisa kaliya ka fakara” oo khatar weyn galinaya dhammaan dadka Mareykanka ah.

Mary Trump waxay buugga ay qortay oo lagu magacaabo “Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu halista badan adduunka” ku sheegtay in adeerkeed uu
yahay qof ay noloshiisu ku dhisan tahay musuqmaasuq, dadkana dhibaateeya.

Aqalka Cad ayaa gaashaanka u daruuray dhammaan eedeymaha ku jira buuggan, oo loo dusiyay warbaahinta Mareykanka. Qoyska Trump waxay gudbiyeen dacwad maxkamadeed  ay ku doonayaan
in lagu hor istaago daabicita buuggan oo lagu wado inuu soo baxo 14-ka bishan July.

Qof nolosha kaligiis isla raba’ Ms Trump oo da,deedu tahay   55  sano , waxay buuggeeda ku qortay in adeerkeed uu yahay qof “waligiis aysan waxba ku filnaanin” iyo in madaxweynaha Mareykanka uu leeyahay dhammaan dabeecadaha dadka calooshood u shaqeystayaasha ah.

Waxay sheegtay in madaxweynaha uu gacan ka geystay xadgudubyo uu aabihiis Fred Trump Sr u geystay iyada aabaheed Fred Trump Jr – oo
dhibaatooyin kasoo gaadhay isticmaalka daroogada u geeriyooday xilligii ay 16
  jirka ahayd.

Ms Trump waxay qoraalkeeda ku sheegtay in awowgeed Trump Sr uu si qallafsan ula dhaqmi jiray wiilkiisa weyn, oo iyada aabaheed ah, kaasoo uu
doonayay inuu kala wareego ganacsiga iibinta guryaha. Laakiin maadaama uu Mary aabaheed dhibaato kala kulmay maandooriyaha.

Trump Sr wuxuu ku khasbanaaday inuu usoo jeesto dhinaca wiilkiisa labaad, oo ah Donald.

“Waxaa qoyska lagu fasaxay nin bahal ah oo aan waxba ka nixin,” ayey tidhi.Madaxweyne ayaa beeniyay sheegashadaas.
‘Waxaan tallaabo u qaaday inaan meesha ka saaro Donald Trump’

  Buuggan waxay Ms Trump ku sharraxday sida ay warqado dhinaca canshuur bixinta shirkadda Trump ah si qarsoodi ah ugu gudbisay wargeyska New York Times, iyadoo markaas dooneysay inay fashiliso adeerkeed, ceebna usoo jiiddo si uu ganacsigiisa oo dhan u burburo.

New York Times ayaa xilligaas waxa uu warqadahaas u adeegsaday maqaal 14,000 oo eray ka kooban oo la daabacay 1990-meeyadii.

Warbixinnada waxaa ka mid ahaa arrimo musuqmaasuq ah oo ay shirkadda Trump ku kacday. Waxay sheegtay in sanadkii 2017-kii ay koox wariyeyaal ah ku wareejisay warqado sharci ah oo ay kasoo qaadday meel iyada iyo qoyskeeda lagu
hayay.

19 kartood oo waqadahaas ay ku jiraan  ayaan  ku     wareejiyay saxafiyiinta, iyadoo qoraalkeeda ku sheegtay in waqtigaas “ay farxad weyn dareentay”.
“Intaas iguma filneyn inaan ku caawiyo urur wax u qabanaya qaxootigaSuuriya,” ayey ku tiri qoraalkeeda. “Waxaan ku khasbanaa inaan Donald
Trump meesha ka saaro.” Jaamacadda wuxuu uga soo gudbay “si
khiyaano ah”

Ms Trump waxay sheegtay in adeerkeed uu nin saaxiibkiis ah lacag ku siiyay si uu ugu sameeyo imtixaanka SAT – oo ah tijaabo la maro marka loo gudbayo jaamacadda – sababtoo ah wuxuu ka walwalsanaa in natiijada celceliska ah ee uu keenay ay u suurtagalin weyso in laga aqbalo jaamacadda.

“Wuxuu lacag siiyay wiil fahmad badnaa oo lagu yaqaannay inuu imtixaannada ku baasom” ayey tiri, iyadoo intaasna ku dartay: “Donald oo waligiis aysan lacag la’aan ku dhicin wuxuu kharash badan siiyay saaxiibkiis.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker