Home » Archives by category » Somali News (Page 2096)
Xamxamta  Suuqa: Dadweynihii Ku Xidhnaa HCTV Oo U Wareegay STAR Tv

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa dhacdooyinka ama wararka  ugu hadal-haynta badan yahay  , Xamxamta suuqa iyo Maanta , Dadweynihii Ku Xidhnaa HCTV Oo U Wareegay STAR Tv .     Sidaad la socotaanba waxa kusoo batay  Shaashadaha  telefishanka janalo afka soomaaliga ku hadla oo midba ujeedo gaar ah loo samaystay, waxaana sanadkan gudihiisa boodhka laga […]

Continue reading …

Hargaysa:(OWN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa si buuxda u taageeray soo jeedintii Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee xiliga ay tahay in la qabto Shirka Gollaha dhexe,kaas oo lagu soo dooranayo Musharaxa Jagadda Madaxtinimo,Ku-Xigeenkii Iyo Hogaanka sare ee Xisbiga Caynaanka u hayn doona shanta sanno ee soo socota,waxaana uu Muuse Biixi doonayay si weyn ugu ol-olaynayay […]

Continue reading …
Bulsho waxa laga dheehda noloshooda iyo Dareenkooda Suugaan Yahanka, Warka ugu shidan Maanta Facebook, Fananinta Xidigaha oo ka degay ( Muqdisho )

Socdaalka Fanaaniinta Xidigaha Geeska- ay Maanta kaga degeen Magalada Muqdisho,,waxuu ka hadal iyo dood batey,,kulankii Siyaasiinta Somali dhawan loogu qabtey Magalada Muqdisho ,,halkaas waxa kuugu cad in Maanta Dhalinta Koonfur Somalia iyo Somaliland labaduba ka daalan yihiin Siyaasiinta Gaboobey ee dib u socodka ah ilaa 1960 wali soo taagan,,Mustaqbalo iyo Rajo badana soo dumiyey,,halkaasna Maanta […]

Continue reading …
“Xukuumadan kahor ,dawlad ayaynu ahayn caalamka waa uu ina Ictiraafsanaa, sideed iyo labaatan dawladood ayaa baasaboorkeena lagu tagi jiray, maanta aduunyada waynu ka soo xidhanay.”

Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye(Gacan) ayaa shacabka weydiiyay su’aal ah halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Siilaanyo. Xildhibaan Gacan ayaa ka tirsan golaha guurtida. Isagoo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu yidhi  “Maanta hadalka aynu nidhaah waa waalalow,Shacabka Somaliland waxaan waydiinayaa Madaxwayne Cod badan ayaynu siinay kursiga uu fadhiyana Isaaq nimo ayaynu ku dooranay,wax kale kumaynaan dooran,marka horena […]

Continue reading …
Afhayeenka  Ururka Al Shabaab Oo Faahfaahin  Ka Bixiyay Qaraxii Madaxtooyada Soomaaliya

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab  Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere )ayaa faah-faahin ka bixiyeen bartilmaameedka qaraxii habeen hore maqribkii ka dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyada Somaliya ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay weerarkaasi inay ku beegsadeen dhamaan xubnihii ka qaybgalay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayay Siyaasada dalka Somaliya. Sheekh Cali Dheere, […]

Continue reading …
” Dulmiga Uu Ku Hayo Taliye Qaybeedka Gobolka Sanaag  Reer Ceelafwayn ” Maxamood saeed m noor

London(OWN)- Gudomiyaha  xisbiga wadani ee woqooyiga london  oo shir jaarid qabtay ayaa wuxuu ku dhaleeceyey taliye qaybeedka sanaag  cabdirisaaq yusuf maxamood maxamed caseer oo cadaystay in uu dadka degmada ceelafwayn uxidh xidho sifa sharci daro ah isagoo dhawan xidhay cheif caqil maxamood nuux ayuu hadana manta ku darsaday in uu xidho saeed jama oo komishaanka uqabilsan […]

Continue reading …
Madaxweynaha Shiinaha Oo Ka Bilaabay Magaalada Seattle Booqashadiisa Dalka Maraykanka

Seattle(OWN)- Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, waxa uu gaaray magaalada Seattle taas oo bilow u ah booqashadiisii ugu horeysay ee Mareykanka uu ku tago tani iyo markii xilka loo doortay. Mr Xi waxa uu seddax maalin joogi doonaa magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmi doono ganacsato iyo dadka tiknolojiyadda ka shaqeeya. Isla halkaasi, Washington ayuu […]

Continue reading …
Madaxweyne Obama Oo Maanta  Aqalka Cad ku Marti-galinaya P. Francis

Washington(OWN)- Wadaadka ugu weyn diinta masiixiyadda ayaa  shalay soo gaadhay dalka Maraykanka, isaga oo ka soo degay xerada ciidanka ee Andrews ee Washington, isaga oo ay ka hortageen madaxweynaha Marayanka Barack Obama, kuxigeenkiisa Joe Biden. Ma aha markii ugu horeysay ee ay kulmaan madaxweyne Obama iyo Pope Francis, iyaga oo markii ugu dambeysay ay xarunta […]

Continue reading …
Dad Soomaali Ah Oo Lagu Maxkamadaynayo Dalka Zambia

Zambia(OWN)- Dad lagu qiyaaso  92 ruux oo Soomaali ah ayaa loo gudbiyay Maxkamada sare ee dalka Zambia  si loo xukumo, kadib markii ay qirteen baayac-mushtar sharci daro ah sida uu sheegayo wargeyska Times of Zambia. Soomaalida ayaa waxaa ay maxkamadi xukuntay bishii August 31 ee sanadkan ka dib markii ay ogolaadeen in laga soo tahriibiyo […]

Continue reading …
Madaxweynaha Congo Oo Sheegay Inuu Mar Sadaxaad is sharaxayo

Congo(OWN)- Madaxweynaha dalka Congo Brazzaville, Denis Sassaou Nguesso, waxa uu ku dhawaaqay in afti ku saabsan isbedelka ay dalkaasi ka dhici doonto, Waxa uu raadinayaa in mar sedaxaad uu isu sharaxo xilka madaxweynaha, oo uu ka qeybgalo doorashada sanadka soo socda. Mr Sassou Nguesso ayaa dalkaasi Congo hogaamiya ka ahaa in kabadan 30 sano, asigoo laba […]

Continue reading …