“Saaxiibbo Badan Oo Aan Leennahay Ayaa Dhabarka Noo Jeediyey Xilligan Adag…” Abiy Axmed

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo culeyso xooggan kaga imaanaya ururo isbaheystay ayaa qiray jabka is daba jooga ah ee ka soo gaadhaya gulufka dagaal ee ka dhanka maamulkiisa.

Abiy Axmed ayaa qiray inay jiraan saaxiibo badan oo uu lahaa, kuwaasoo sida uu carabka ku adkeeyay dhabarka u jeediyay xilligan adag ee uu wajaahayo, isagoo tilmaamay iney taageero siiyaan iska daayee ayna xitaa soo hadal qaadin colaada ka socota waddankiisa.

Mr. Abiy inkastoo aanu si rasmi ah carabka ugu dhufan saaxiibada uu dhaleeceynayo, hadana waxaa laga warqabaa in gobolka uu ku lahaa labada saaxiib ee ugu dhaw, kuwaasoo oo kala ah madaxweynayaasha dalka Eritrea iyo Soomaaliya Afwerki iyo Farmaajo.

Labadaasi mas’uul ayaan ilaa iyo haatan ka hadal colaada ka sii holceysa Itoobiya, iyadoo caasimadda Adis-Ababa ay mucaaradka u jirsadeen 300KM, iyagoo ku hanjabaya iney qabsanayaan saacadaha soo aadan.

Sagaal Urur oo ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Washington isbaheysi cusub oo ka dhan ah raysal wasaare Abiy Axmed, iyada oo xukuumaduna ay shaacisay in isbahaysigan aanu haysan taageerada shacabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker