Siyaasi Guuleed oo sheegay in dad Awood leh oo ka tirsan DF ay ‘fududeeyeen’ weerarkii SYL

Muqdisho (OWN) – Qaar ka mid ah siyaasiyiin xilal hore soo maray, iyo qaar hadda xil ka haya dawladda Soomaaliya ayaa shaki geliyay in Al-Shabaab loo fududeeyay weerarkii ay xalay ku qaadeen HOTEL SYL ee magaalada Muqdisho.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Galmudug, ayaa kamid ah siyaasiyiinta ka hadlay weerarkaan wuxuuna ugu horeyn ka tacsiyey dhibaatadii ka dhalatay weerarkii ay Al-Shabaab Xalay ku qaadeen Hotel SYL oo ku yaalo meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

“Waxaa ka tacsiyeynayaa dhibaatada dhimasho, dhaawac iyo burbur ee uu geystay weerarkii xalay ka dhacay hotel SYL, waxaan leeyahay intii inaga dhimatay Allah ha u naxariisto intii ku dhaawacantayna Rabi ha u boogo dhayo” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Wuxuu sheegay in Shabaabkii weerarka kusoo qaaday xalay HOTEL SYL loo fududeeyay inay halkaasi ay gaaraan maadaama Hotel-ka uu ku yaallo goob amnigeeda si aad ah loo sugo islamarkaana loo soo maro d

dhowr barkoontarool oo ciidamo Koofiya Cas ah ay ku suganyihiin.

“Dhanka kale waxaa wax lala yaabo ah oo aan marnaba la qadan karin, in ciidamo hubeysan oo gaadiid saaran ay hotel SYL soo gaaraan oo ay weerar ka geystaan, ayadoo la ogyahay waxa jidgooyooyin, dhagax iyo xanibaad la dhigay magaalada muqdisho, kuwaaso shacabkii dhaqdhaqaaqiisii dhaqaalahiisii iyo adeegyadii oo idil dhibka weyn u geystay” ayuu sii raaciyey.

Cabdirkariin ayaa intaas ku daray inaysan wax shaki ah ku jirin in qof awood iyo amar leh uu u fududeeyey Al-Shabaab inay fuliyaan weerarkaas iyo inay soo gaaraan goobtii ay weerarka la damacsanaayeen.

 

“Waxaan shaki ku jirin in arinkaas laga dheehan karo inay jirto cid amar iyo awood leh oo la shaqeysay kooxdaas, una fududeysay weerarkaas iyo inay halkaas soo gaaraan” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyntii Cabdikariin ayaa hey’adaha Amniga usoo jeediyey inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan weerarkaan iyo ciddii fududeysay.

” Haddaba waxaan masuuliinta dowladda iyo madaxda laamaha amniga u soo jeedinayaa in arinkaas lagu sameeyo baaritaan dhab ah, hufan oo aad u qoto dheer, cid alla ciddii ay ku cadaatana sharciga la hor keeno” ayuu warkiisa kusoo gabagabeeyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker