Sidee Ayay Bulshada Somaliland Uga Dareen Celisay Meeqaamka Kulankii Wajaale Ku Dhex Maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Cagjar.

Hargaysa-(OWN)-Arintii ugu hadal haynta badnayd Shalay ee aadka loogu falan qaynayay saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada ayaa waxa ay ahayd Kulankii Magaalo Xuduudeedka Wajaale Shalay Jimcihii ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar kaasi oo ay ka dhasheen dareeno kala duwan oo ay ka mid ahayd in wax la iska waydiiyo cidda lahayd Macsuumadda Kulanka iyo meeqaamka Siyaasadeed ee uu Kulankaasi Somaliland u lahaa.

Arimaha Dareenada saluugga lihi ka dhasheen ayaa waxa ka mid ahaa kadib markii uu Madaxwyene Biixi Warbaahinta ka sheegay inay casuumadda Kulankaasi isaga xagiisa ka timid “kulankani waxa uu ku saabsanaa, Madaxweyne Mustafe oo intii uu xilka Dalka qabtay aanaan hore isu arag, inaan ku casuuno halkan maanta oo qado ugu samayno, wada Sheekaysano, Isbarano, kana wada hadalno danta laba umadood, Guud ahaan labada dal, iyo Umadda SoomaaLiyeed ee labada dhinacba degan, Nabadgalyada, Ganacsiga,Iskaashiga, wax wada qabsiga, Dhaqanka iyo wax Alla wixii nolosha kusaabsan , inaanu kor uqaadno oo wanaajino ayaanu ka sheekaysanay,labada dhinacna dad mudakar ah oo wanagsan ayaa ka kala yimid oo leh siyaasiyiin, Ganacsato, Madax dhaqameed, dee aad iyo aad, waa la wada qadeeyay aad ayuu u wanaagsanaa, waanan bilaabi doonaan shirar kale iyo isu imaatino Kale”.

Falanqeeyayaaasha Siyaasada Somaliland ayaa Ku tilmaamay Kulankaasi mid aan waxba ku soo kordhinayn saaxadda Siyaasaddii Arimaha Dibada Somaliland oo mudooyinkan dhulka taalay islamarkaana aanay Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya siyaasiyan ahayn kuwo isku dhigma meeqaam ahaan, waxa ay dareenkooda ay ku muujiyeen inay Madaxweyne Biixi uga haboonayd inuu kulankaasi u diro Wasiirkiisa Arimaha Gudaha ama Masuuliyiinta la mid ka ah, waxa ay ku tilmaameen kulankaasi mid uu Madaxweyne Biixi kaga galgalanayay Faashilka albaabadii arimaha dibadda ee Xukuumadddiisa ku soo oodmay iyo dagaalka dhinaca Diblomaasiyadda ee lagaga awood roonaaday islamarkaana uu gaadhay heer uu  xiitaa wax xidhiidh ah la samayn kari waayo Wadamada Jaarka la ah Somaliland iyadoo awal ay Somaliland duulaano dhaadheer oo siyaasadeed ku qaadi jirtay guud ahaan Wadamada kuyaala Qaaradda Africa iyo Waliba Wadamo Qaaradda Yurub kuyaala.

Baraha Bulshada ayaa aad loogu qaadaa dhigay Shalay sawirradda labada Madaxweyne iyagoo shacabka Reer Somaliland intooda badan saluug ka muujiyay hanaanka la iskugu dhereriyay Labada Madaxweyne. Dadka intooda badan ayaa dareen didmo leh ka muujiyay sida uu Madaxweyne Biixi iskugu xayd xayday inuu Gool siyaasadeed ka raadiyo ismaamul aan meeqaam ahaan u dhignayn Somaliland oo ay Madaxweyneyaashii ka horeeyay qaab hoose ula macaamili jireen.

Su’aasha kale ee wax la iska waydiiya ee Dareenka dhalisay ayaa ah in maadaama oo uu Madaxweyne Biixi isagu lahaa fidinta Gogoshan Shalay la iskugu yimid, waxa uu ugu macsuumi waayay inuu Madaxweyne Cagjar Hargeysa Yimaado? Una door biday inuu kulan kula qaato Magaalo Xuduudeeda Wajaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker