Agoonkii ka mid noqday maalqabeenada adduunka, haddase lagu raad joogo

Wuxuu agoomoobay isaga oo 3 sano jir ah balse waxaa uu kamid noqday maalqabeennada adduunka, hadda Roman Abramovich xiriirka kala dhexeeyay Vladimir Putin ayaa horseeday in laga xayiro hantidiisa iyo ganacsigiisii.

“Waan hubaa in dadka ay diiradda i saari doonaan saddex ilaa afar maalmood laakinse waan ka bixi doonaa xaaladdaas” ayuu yiri bilyaneerka u dhashay Ruushka markii uu iibsanayay kooxda Chelsea sanadkii 2003-dii.

“”Waxay illoobi doonaan qofka aan ahay, waana jeclahay taas.”

Waxaa sanado badan lagu baaqay in la baaro cidda uu la macaamilo Abramovich. Dowladda UK waxay xayiraad kusoo rogtay hantidiisii oo ay kamid yihiin guryo iyo kooxda Chelsea, isagana waxay kusoo rogtay xayiraad dhanka safarka ah.

Waxay ku eedeysay in uu xiriir dhaw lala lahaa madaxweynaha Ruushka, Putin kadib duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Hoos u dhaca ayaa ku yimid ninkan la wareegay kubadda cagta ee Ingriiska ee heysta taageerayaal kala moowqifka ah, Laakin waxa uu horay uga soo gudbay caqabado waaweyn, gaar ahaan noloshiisii ​​hore.

Agoonimo ilaa maalqabeen
Roman Arkadyevich Abramovich wuxuu ku dhashay magaalada Saratov ee dhacda koonfur galbeed Ruushka oo dhawr boqol oo mayl u jirta xudduudda Ukraine, sanadkii 1966 waxay hooyadiis u dhimatay sunta dhiigga markii uu jiray hal sano, aabihii, wuxuu ku dhintay shil ka dhacay goob uu dhismo ka socday, intaa Abramovich waxaa soo koriyay qaraabadiisa oo degeneyd magaalada Komi ee Ruushka, halkaas oo lacagtu ay ciriiri ahayd in la helo, heerkulkuna hooseeyo.

“Haddii an runta sheego, kuma tilmaami karo carruurnimeyda in aan ku soo koray nolol xun” ayuu yiri mar uu wareysi naadir ah siinayay wargeyska The Guardian.
Wuxuu waxbarashada isaga tagey isagoo 16 jir ah, wuxuu soo noqday meekaanig, wuxuu ku biiray ciidanka Ruushka ee Red Army ka hor inta uusan ka ganacsanin alaabaha caagga ah ay carruurta ku dheelaan, wuxuu u wareegay ka ganacsiga cadarrada, xilli uu horumarinayay ganacsigiisa, hoggaamiyiihii Midowgii Soofiyeetit ,Mikhail Gorbachev ayaa u ogolaaday in uu ka faa’ideysto saami buuran oo loogu talagalay ganacsatada.

Bariga fog.

Burburkii Midowgii Soofiyeeti, iyo amarka dawladeed ee hantida macdanta, ayaa siisay fursado badan. Bartamihii 2000, Mr Abramovich wuxuu lahaa nasiib kale oo wanaagsan.

Waxa uu shirkadda Shidaalka ee Sibneft kala wareegay dawladda Ruushka sannadkii 1995-kii oo uu ku iibsaday xaraash been abuur ah oo ku dhow $250m doolar. Waxa uu dib uga iibiyay dawladda sannadkii 2005tii isaga oo kaga iibiyay $13bn oo doolar.

Qareenadiisa ayaa eedeymaha loo jeedinayo ee ah in uu adeegsaday wadiiqooyinka sharci darro ah ku tilmaamay kuwa sal iyo raad toona laheyn, si kastaba, sanadkii 2012 wuxuu maxkamad ku taalla UK ka hor qirtay in uu bixiyay lacago laaluush ah si uu heshiis ula galo shirkadda Sibneft.
Wuxuu ku lug lahaa dagaalkii loogu magac daray “aluminium wars” ee dhacay sagaashamaadkii kuwaas oo maalqabaneeda-u ogaaladay inay helaan hanti badan iyo awood siyaasadeed kadib burburkii midowgii Soofiyeet- waxay ku dagaallameen maamulka dhaqaalahan.

“Saddexdii maalmoodba qof ayaa la dilayay,” ayuu yiri Mr Abramovich sannadkii 2011-kii.
Laakiin Abramovich waxa uu sii caddeeyey halgankiisa, isaga oo soo urursaday boqolaal milyan oo ginni inkasta uu buuq ku furan yahay.

Markii uu kusoo biiray siyaasadda
Waxa uu xulafo la noqday madaxweyne Boris Yeltsin, wuxuu sidoo kale ahaa nin ka dhex muuqday masraxa siyaasadda ee Moscow ka dib Midowgii Soofiyeet, xitaa wuxuu guri ku lahaa Kremlin-ka in muddo ah.

Markii uu xilka iska casilay madaxweyne Boris Yeltsin sanadkii 1999, Abramovich waxaa la sheegay in uu kamid ahaa dadkii taageeray Vladimir Putin oo ahaa Ra’iisul Wasaare iyo sirdoon hore si uu u noqdo madaxweyne.

Markii uu Putin xilka qabtay, wuxuu u dhawaaday Putin si uu u xaqiijiyo in uu ka awood badan yahay maalqabeenada kale, qaarkood waa la xiray halka kuwa kalena ay dibad joog noqdeen markii ay ku guuldareysteen inay u hoggaansamaan Putin.
Abramovich lama kulmin wax dhibaato ah, sanadkii, 2000, waxaa loo doortay barasaabka Chukotka ee dhaca waqooy bari Ruushka, Waxa uu caan noqday ka dib markii uu lacagtiisa ku maalgeliyay adeegyada bulshada balse waxa uu xilka ka degay 2008-dii.

Intaa oo dhan, waxa uu sii waday xoojinta danihiisa ganacsi, isaga oo ku horumarinta hantidiisaa sida iibsashada guryaha, baabuurta.

Markii looga wacay London
Wuxuu qaaday tallaabo lama filaan ah, maadama la sheegay in ninkan uu ahaa qof aamusan oo xitaa xishood badan, sanadkii 2003-dii, Abramovich ayaa soo caanbaxay markii uu iibsaday kooxda ugu weyn ee ka dhisan galbeedka London ee Chelsea, wuxuu ku iibsaday £140m oo lacagta giniga ah.

“”Falsafaddayda nolosha oo dhan ayaa sidii aan kusoo dhisi lahaa kooxo xirfadlayaal ah,” ayuu u sheegay Financial Times. “Chukotka waxaan ku leeyahay kooxo xirfad leh, sidoo kale halkaan ayaan ka sameyn doonaa.”

Markii uu kooxda Chelasea maamulayeen tababare Jose Mourinho iyo macalimiin kaleba, hantida Abramovich waxay ka caawisay kooxda inay ku guuleysato shan kamid horyaalka Ingiriiska, labo horyaalka Yurub ah iyo Shan kamid koobka FA Cup.
Lacagta maalqabeenka ayaa sanadihii u dambeeyay ku qulquleysay London, Abramovich waxaa la rumeysan yahay in hantidiisa ay kamid tahay guri 15 qol ka koovan oo ku yaalla galbeedka London kaas oo qiimahiisu lagu qiyaasay in ka badan £150m oo lacagta giniga ah, guri kale uu ku leeyahay Chelsea, goob lagu xananeeyo lo’da oo ku taalla Colorado iyo guryo loo dalxiis tego oo ku yaalla Faransiiska.

Wuxuu leeyahay doomaha ugu waaweyn adduunka sida Solaris iyo Eclipse, Abramovich oo saddex jeer ay kala tageen xaaskiisa ayaa sidoo kale diyaarad khaas ah.

Hantidiisa
Mar sanadkii 2006-dii, wargeyska Guardian uu wax ka weydiiyay waxa ay lacagtu qofka u qaban karto, waxa uu ku jawaabay: “Farxad kuuma iibin karto balse madaxbanaanida qaar , haa.”

Wuxuu heystaa lacag ku filan, warbaahinta ka faaloota dhaqaalaha ee Bloomberg, waxay hantida Abramovich ku qiyaastay $13.7bn oo doolar, waxayna ku tirisay ninka 128-aad ee ugu taajirsan adduunka halka warbaahinta Forbes ay ku tirisay ninka 142-aad ee ugu taajirsan adduunka.

Sannadkii hore, Mr Abramovich wuxuu dacweeyay madbacadda House HarperCollins isagoo ku eedeeyay inay been abuur ku sameeysay buug la yiraahdo Putin’s People oo ay qortay Catherine Belton, kaasoo sheegayay in madaxweynaha Ruushka uu ku amray inuu iibsado Chelsea.
Waxaana markii dambe kiiska lagu xalliyay meel ka baxsan maxkamadda iyadoo maamulaha madbacadda uu sharraxaad ka bixiyay waxa uu hadalkaas ugala jeeday.

Balse xiriirka ka dhexeeyo Abramovich iyo Putin ayaa dabagal lagu sameynayay gaar ahaan markii uu Ruushka ciidamadiisa geeyay xadka Ukraine isla markaana uu ku duulay.

Dowladda UK waxay xayiraad kusoo rogtay hantidiisa isaga iyo maalqabeeno kale oo Ruush ah kuwaas oo lagu eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin Putin.

Abramovich wuxuu shaaciyay in uu iska iibinayo kooxda Chelsea, haatan waxaa soo ifbaxay warar sheegayo in la sumeeyay xilli uu ku sugnaa horraantii bishan xadka Ukraine iyo Belarus halkaas uu ka socday wadahadallo Ruushka iyo Ukraine.

 

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker