Taliska Ciidamada qaranka Somaliland Oo 10 maalmood ah u qabtay dadka deggan Dhulka Ciidanka

Taliska Ciidamada qaranka Somaliland ayaa muddo 10 maalmood ah u qabtay in ay iskaga guuraan dadka deggan Laynka Milatariga Hargaysa , Agagaarka Xerada Birjeex, Iyo Xero Ruushta.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska guud ee Ciidanka qaranka.
Waxaana uu u dhignaa sidan.
“Taliska Guud ee C/Qaranka JSL waxa uu Ogaysiinayaa laga Bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 14/03/2022. In Dadwaynaha shacabka ah ee Degan Goobaha C/Qaranka leeyahay ee hoos ku qoran in ay kaga guuraan 10 cisho Gudahood, waana sidan Goobaha laga guurayaa:-
1. Laynka Milatariga Hargaysa.
2. Agagaarka Xerada Birjeex.
3. Xero Ruushta.
Sidaa daraadeed, Dadwaynaha degan goobahan kor ku xusan waxa la farayaa in ay waqtiga dhawraan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker