Madaxweynaha Ruushka Oo Amar Ku Bixiyey In Heegan Culus La Galiyo Dhammaan Ciidamadda Qalabka Sidda

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin, Ayaa Amar ku Bixiyay In la Diyaariyo Hubka Nuclierka ah, Isla-markaana Uu Dalkiisu u Diyaar Garoobo Jawaab Culus Oo Ka Bixiyo Wax Uu Ugu Yeedhay Gar-daro Caddaawaddeed Oo Uga timid Saaxiibaddiis Oo Uu Ula Jeeddo Gaashaan Buurta NAATO.
Madaxweyne Vladimir Putin Oo Aqalka Uga Taliyo Dalka Ruushka Ee Caasimadda Moskow Shir Degdega Ah Ku Qabtay Hadda, Ayaa Ku Amray Wasiirka Difaaca Dalka Ruushka Inuu Diyaariyo Hubka Nuclierka, Isla-markaana Uu Heegan Culus galiyo Dhammaan Ciidamadda Qalabka Sidda Ee Dalka Ruushka.
Madaxweyne Putin Oo Amraya Wasiirka Gaashaan Dhiga Ee Dalka Ruushka Wuxuu Yidhi Siddan “Saxiibada Sharafta Leh Siddaad Arkaysaan Waddamadda NATO kumay Kicin Cunaqabatayan Dhaqaale Layna Saaro Oo Kaliya, Laakiin Waxay Ku dhaqaaqeen Talaabo Cadaawaddeed, Siddaa Darteed, Waxaanu Soo Jeeddinayaa Oo Aan Ku Amrayaa Wasiirka Gaashaan Dhiga Inuu Heegan Culus Galiyo Xoogaga Difaaca Hubka Halista ah Ee Nuclierka Si Looga Fal-celiyo Daandaansiga Caddaawaddeed Ee Saaxiibaddeen” Ayuu Yidhi Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Weerarka Culus Uu Ruushku Ku Qaaday Dalka Ukraine, Ayey Dalalka Reer Galbeedku Si Hoose u Soo Galeen, Waana Sababta Hadda Uu Madaxweyne Vladimir Putin Amarka Heegan Culus U Galiyey Ciidamadda Qalabka Sidda Ee Dalka Ruushka, Gaar Ahaan Waax-da Difaaca Ee Hubka Halista Ee Nuclierka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker