Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Oo ka Hadlay Dagaalada Ka Dhacay Qaybo Kamid Ah Sh/Dhexe & Galgaduud

Madaxweynayaahsii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen agaalada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan goboloada Shabeellaha Dhexe iyo Galgalgaduud.

 

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa cambaareeyey dagaaladaas,waxaana uu ugu baaqay maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle inay u istaagaan joojinta dagaaladaas khasaaraha badan geystay.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda Galmudug, madaxda Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan waajibkooda ah badbaadada iyo ilaalinta badqabka shacabka meel kasta oo ay joogaanba ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baqay inay fiira gaar ah u yeeshaan kuwa maalgeliya colaadaha iyagoo ku riyoonaya in dadkoodu u aqoonsa doonaan iney yihiin halyeeyo beeleed isla markaasna illowsan ammarkii Alle iyo waxa aakhiro sugaya.

 

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Xisbiga Hinilo Qaran ayaa cambaareeyey dagaaladaas,waxan uu sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalka ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

 

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee u dhaxeeya.

 

Wararka laga helayo deegaanada Xeraale iyo Buurdheere ee Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu maanta ay tahay mid degan,hayeeshee weli ay ishor-fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker