Madaxweynihi hore ee Dalka Itoobiya Dr Nigaasoo Gidhaadha oo geeriyooday

Madaxweynihi hore ee dalka Itoobiya Dr Nagaaso Gidaada ayaa la sheegay inuu maanta ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Dr Nigaaso Gidaada oo in mudda ahba xanuunsanaa waxaa lagu dabiibayey Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.

Madaxweynaha geeriyooda Dr Nagaaso Gidaada 1995-kii wuxuu ahaa madaxweynihi ugu horreeyey ee dowladda Federaalka Itoobiya, xilligi ay xoogagga EPRDF oo uu hoggaaminayey Meles Zeenaawi ay la wareegeen talada dalka Itoobiya wuxuuna xilka Madaxweynanimada uu soo hayey 7 sano.

Doorashadi dalkaasi Itoobiya ka dhacday 1995-kii ayaa mudane ka tirsan golaha wakiillada shacabka Itoobiya looga soo doortay Gobolka Dambi Dolo isaga oo shaqsi ahaan iisu soo sharraxay oo aan xisbi siyaasadeed ku tiirsaneen.

Dr Nagaaso Gidaada laga billaabo dhalinyarnimadiisi wuxuu door weyn uu ku lahaa siyaasadda dalka Itoobiya gaar ahaanna halgankii siyaasadeed ee dowladdi Mengiste xilka looga tuuray.

Marka uu xilka madaxweynanimo uu ka dagayna wuxuu ku biiray xisbiyo siyaasadeed oo mucaarad ah oo dalka Itoobiya gudahiisa ka dhaqdhaqqayey.

Dr Nagaaso GidaadaDr Nagaaso Gidaada

Dr Nigaasoo oo shahaadada seddexaad ee PHD ka haystay cilmiga taariikhda wuxuu ka soo shaqeeyey hay’ado kala duwan oo dalka iyo dibaddaba ka howl gala.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa farriin tacsi ah u diray qoyski iyo eheladi uu ka baxay madaxweynihi hore ee Itoobiya Dr Nagaaso Gidaada.

Waxaana madaxweynaha dalka Itoobiya gudahiisa looga sameeynayaa aas qaran iyada oo hadda loo dhisay guddi heer qaran oo aaska Dr Nagaaso ka shaqeeynaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker