BAAQ IYO WARQAD CODSI OO KU SOCOTA M/WEYNAHA J/SOMALILAND MUSE BIIXI OO AY BEELWEYNTA ADURUXMIIN MUSE KAGA CODSANAYSO INUU BANEEYO GURIGA IMINKA KU MAGACAABAN GURIGA M/TOOYADA S/LAND

Hadaanu nahay beelweynta ADURUXMIIN MUSE waxaanu kaa codsanaynaa inaad banayso guriga iminka ku isman guriga madaxtooyada S/LAND , kaas oo marka iminka laga bilaabo noqonaya guri uu leeyahay muwaadin u dhashay s/land muwaadinkaas oo ah MUJIIHAD MAXAMED SICIID XIRSI MORGAN ,sidaa daradeed muwaadinkaas iyo jilibka uu ka soo jeedo ee la yidhaa CABDALLA ADURUXUMIIN oo deganaa dhulkii berigii hore la odhan jiray majeerteeniya oo ay degaan ku ahaayeen ilaa laba boqol oo sanadood oo ay ku farcameen dhulkaas ka ab ka ab ayaa iminka u soo xiisay inay dhulkoodi iyo dadkooda amaba ADURUXMIIN WEYNE dib ugu soo laabtaan . Mudane M/weyne sidaad mediaha kala socotayna waxa iminka ka socda ceerigaabo shir weyne ay gogoshiisa dhigtay beesha ADURUXMIIN shirkaas oo lagu martiqaaday dhamaan beelweynta muse abokor si ay noogala qayb qaataan soo dhaweynta jilibkaa ABDALLA  ADURUXMIIN ee imaatinkiisu ku soo beegan yahay 15/11/18 , waftigaas beesha ABDALLE ADURUXMIIN oo uu hogaaminayo MUJAAHID MAXAMED SICIID XIRSI MORGAN , shirkaas oo bilaabmaya 20/11/18 , soo dhaweynta ka bacdina lagaga tashanayo aayaha beesha muse abokor , markaa M/weyna dunidu maalinba waa xaal ee arrinka ha dhayalsan ee waxaanu kaa codsanaynaa inaad xamaamadaada ka urursato guriga , ninkii dhistay ee xaqa u lahaa ayaa degelkiisii ku soo noqday ee wixii 20/11/18  , ka horeeya waa inaad faaruqisaa guriga .

WA BILAAHI TAWFIIQ

GUDIDA QABANQAABADA SHIRKA

BEELWEYNTA MUSE ABOKOR.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker