Ergo Mar Kale Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Qaadatay Xubno WADDANI Ka Tirsan Oo Guul Daro Ku Soo Idlaaday Iyo Khilaafkii Badelida Komishanka Oo Halkiisii Taagan.

Hargaysa-(OWN)-Odayaashii is-xilqaamay ee muddoba dhexdhexaadinta ka dhex waday isu soo jiididda xisbiyada qaranka Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI si ay qabsoomidda doorashada xal uga gaadhaan ayaa waxa soo food saaray culays weyn oo hakinaya dadaalkooda aan wali midho dhalin, kadib markii ay kulankoodii ugu dambeeyey oo ay la qaateen saraakiil ka socda xisbiga WADDANI wax natiijo ahi ka soo bixin iyada oo Xisbiga WADDANI ku adkaystay mawaaqiftiisii uu hore arrinka doorashada uga qabay.

Kulan gaar ah oo ka qabsoomay Guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ay isugu yimaadeen xubnaha odayaasha ah oo kala ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo hore Madaxweyne ku xigeenno uga soo noqday Somaliland iyo Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ah ayaa ku dhammaaday in aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, kadib markii saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI odayaasha dhexdhexaadinta waday u sheegeen in xisbigu ku taagan yahay go’aankii iyo mawaaqiftii ay hore uga qaateen duruufaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland oo dib u dhac ku yimid waxaanay sheegeen in aanu xisbigu aqoonsanayn Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay hore kalsoonida ugala laabteen kuna adkaysanayaan in la kala diro xubnaha Komishanka haddii bay yidhaahdeen la doonayo in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoonto.

Xubnaha ka socday dhiaca xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mudane Jamaal Jaamac Xaamud, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiqaadir Saalax Iidle ayaa waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne ku xigeennadii dalka soo maray oo ka mid ah odayaasha sida gaarka ah isugu xil qaamay in ay isku soo jiidaan Xisbiyada qaranka oo ku kala qaybsan qaabkii ay xal uga gaadhi lahaayeen in ay ku qabsoonto doorashooyinkii wakhtigooda dib uga dhacay.

Masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ay kulankan la yeesheen Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa waxa ay sheegeen in aanay waxba iska baddalin shuruudihii ay ku xidheen in wax laga qabto haddii la doonayo in ay doorshadu innoo qabsoonto waxaanay si gaar ah u adkeeyeen in la kala diro Komishanka doorashooyinka. Waxa ay sidoo kale talo ahaan Masuuliyiinta xisbiga WADDANI odayaasha ku siiyeen in Guddidan  dhexdhexaadinta isu xilqaamay laga saaro xubno hore u soo maray xisbiyada qaarkood kuwaasi oo aan lahayn wax kalsooni ah oo ay cid isugu soo jiidi karaan.

Xigasho:-Foore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker