Cristiano Ronaldo oo Jabiyay Rikoodhkii Gool dhalinta ee Pelle

Roma (OWN) Xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo ayaa jabiyay Rikoodhkii Goolasha rasmiga ah ee Pele isagoo dhaliyay goolkiisii 758aad ee  kulankii ay Juventus 4-1 kaga badisay Udinese ee horyaalka Serie A.

 

Xiddiga Reer Portugal ayaa haatan ka sarre maray Goolashii uu dhaliyay Abid halyeygii Reer Brazil, Waxaana imika  kaliya ee ka horeeya halyeeyga Czech Republic Josef Biscan .

 

Oo heysta rikoodhka goolasha ugu badan la dhaliyay taariikhda dunida ee sida rasmiga ah loo diiwaangeliyay.

 

Biscan wuxuu waayihiisa ciyaareed dhaliyay 759 gool isagoo kubada cagta ciyaarayay intii u dhaxeysay 1931 iyo 1955, Ronaldo ayaa la filayaa inuu jabiyo rikoodhka goolashii ugu badnaa abid isbuucyada soo socda.

 

Xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi ayaase weli kula tartami kara rikoodhkan ka dib markii uu dhamaadkii 2020 jabiyay rikoodhkii Pele ee goolasha ugu badan ee loo dhaliyo hal koox isagoo haatan 644 gool u dhaliyay Barcelona.

 

 

Wadarta goolasha uu Lionel Messi u dhaliyay kooxdiisa iyo qarankiisa Argentina waxay gaadhayaan  715 gool, laakiin madaama uu labo sannadood ka yar yahay Ronaldo waxaa macquul ah inuu soo qabto xiddiga reer Portugal.

 

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan ka Goolal badan Lionel Messi isagoo dhaliyay 18 gool halka Messi uu dhaliyay 10 gool tartamada oo dhan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker