Hablihii Somaliland oo Muuse Biixi ka yaabban Maansona u soo tiriyey!

Ninkii fiixda qodaayee
Ee xabaalaha faagee
Sidii fiinta u qayshee
Hablaheennii fogeeyee
Na faraayey jihaadka
Sawkan maanta fayaamee
Faqashtii deriskeenna
Muuse feedha ka raacee
Fiiqsanaaya kafeega
Naa bal fiirsha iclaamka
Warka fooraha yaallee
Fiinfiin ay tebinayso
Furihii handaraabka
Ma Farmaajaa u keenay?
Fanacuudu Billaahi!

Dharaar aan sii fogayn
Wixii faan ka baxaayey
Waxbaan fayda u gooyey
Awoowgiin fadal dheeriyo
Anaa Faarax eryooday
Kii haweenka faraayey
Sawkan maanta Farmaajo
Furihii handaraabka
Felliseey uba doontay
Naa bal faashlahan eega
Fanacuudu Billaahi!

Naa Fariido bal kaalay
Foosiyaay ila daawo
Gaadhsii Fiito warkayga
Farduus Layliyo Kaaha
Iyo Aamina Foosa
Inantii ina Foore
Fayaanbiiriyo Nuura
Ayaantii ina Faalso
Tii Fahiima isbuufis
Filsantii ina Qaaje
Hablihii fooqa agtiinna
Fartuuntii laba eefa
Falastiin Indhadeeqa
Iyo Faadumo duula
Islaantii fadal weyn
Iyo eeddo Fagaasa
Laba Faysiyo Luula
Facsadii ina Yoonis
Foodley oo dhan dirkeed
Furdaraan inantiisa
Iyo Faysal Waraabe
Kuwii foodda ku qaatay
Fashiluu kuwii raacay
Intii Shaani u fooday
Firkii Shiikha dhammaan
Warkii maanta la faafshiyo
Filanwaagakan taagan
Bal maxayni ku faani
Wakaa Muuse Farmaajo
Federaalka u raacee
Fanacuudu Billaahi
Fanacuudu Billaahi!

 

 

By Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker