Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii Putin ee qamadiga loo dhoofinayo Soomaaliya

Dowladda federaalka ah ee soomaliya ayaa soo dhaweysay hadalkii shalay ee madaxweynaha ruushka isla markaana uu ku sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ka tirsan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono qamadiga.

Wasiirka warfaafinta Soomaliya oo ka hadlay ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin ee ahaa in 25-50,000 tan oo hadhuudh ah lagu gaarsiinayo lacag la’aan 7 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto. “Waa go’aan bini’aadantinimo oo togan oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo ay soo food saartay cunto yari” ayuu yiri wasiirka warfaafinta”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ruushka iyo dalalka Afrikaan ah ay ka Shireen arrimo dhowr ah xilli shirkaasi uu maanta soo gebo geboobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker