Shil Gaadhi oo qasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah keenay oo ka dhacay Magaalada Madiina ee Dalka Boqortooyada Sucuudiga

Madina (OWN) – Wararka ka imaanaya dhulka Barakaysan ee Xarameynka ee Sacuudiga ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhinteen kuwa kalane ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaadhigii ay la socdeen.

Ugu yaraan 35 qof muslimiin Muctamiriin ah ayaa ku dhintay shil naxdin leh oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Barakaysan ee Madiina Al Munawarah iyo Makka Al Mukarrama.

Afhayeen u hadlay booliska dowladda Aala Sacuud ayaa warbaahinta u sheegay in gaadhi bas ah oo ay la socdeen dad cimraysanaayay uu ku dhacay gaadhi kale waxaana ka dhashay musiibo lama filaan ah.

Dadka ku dhintayn shilkan ayaa badanaa kasoo jeeda qaaradda Asia kuwaas oo doonayay in ay KU Cumaraystaan dhulalka barakaysan

Dadka ku dhaawacmay shilka oo gaadhaya illaa 4 ruux ayaa ladhigay isbitaalka guud ee magaalada Madiina.

Ilaa hadda lama helin magacyada iyo wadamada ay kasoo kala jeedaan dadkii ku dhintay shilka Gaari oo ahaa mid si weyn looga hadal hayo guud ahaan dalka Sacuudiga.

Maahan markii ugu horeysay oo shilal noocaan oo kale ah ay ka dhacaan dalka Sacuudiga, waxaana ugu dambeeyey midkii ay ku dhinteen muwaadiniin badan oo u dhashay dalka Ingiriiska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker