Adeer adigu ma gudan tahay?

Habar Soomaali ah oo Yurub ka abaabulaysa in aan la is gudin ayaa Sheekh Cumar Faaruuq (Alle ha u naxariistee) loo sheegay. Markaas ayuu yiri I geeya meesha ay dadka kula hadlayso.

Markay hadalkeedii dhamaysatay ayuu yiri adeer su’aal ma ku weydiin karaa?, say tiri haa adeer.  Suu yiri: adeer adigu ma gudan tahay?.
Markaas ayay inta isku naxday tiri haa!. Sheekhii wuxuu yiri oo haddaa yaad buuryada u daynaysaa?. Wax alla wixii meesha joogay ayaa hal mar qosol la daatay, ololeheediina maalintii ayaa ugu dambaysay.

Sheekhu habarta wuxuu weydiiyey su’aal jawaabtay bixisaaba u daran tahay. Hadday u danayso mashruuca ay wadato oo maya tiraahdo iyadaa lugu dhajinayaa “Habartii buuryaqabka ahayd” hadday nafteeda ilaashato oo haa tiraahdana (Waa say doorataye) waxaa ka buraya mashruucii ay wadatey, waana sida ku dhacday.

Haddaba ma idin la qummantahay in su’aashaas la weydiiyo kuwa hadda wada ololaha gudniin diidka ah?

Gabagabadii gudniinka aan sharciga waafaqsanayn ee fircooniga loo yaqaan doodu kama taagna ee waxaynu ka hadlaynaa xeerka cusub ee wasiiro Puntland ah ay ku doonayaan in lugu joojiyo gudniinkii diinta islaamku ay muslimiinta ku amartay, lagana dhigo dambi lugu ciqaabo qofkii wax guda ama ogolaada in la gudo ama u kaalmeeya kan wax gudaya ama soo jaajuusi waaya qofkii wax gudaya ama doonaya inuu hadda wax gudo.

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker