Tababarahii Kooxda West Ham Manuel Pellegrini Oo La Eryey

18kii bilood ee uu tababare Manuel Pellegrini joogay kooxda West Ham ayaa soo dhamaatay maanta, iyadoo tababaraha reer Chile la ceyriyay ka dib markii ay guuldarro 2-1 ah ka soo gaadhay Leicester City.

 

Guuldarada ayaa keentay in West Ham ay tahay kooxda Afaraad ee kooxaha ugu hooseeya, waxay kaliya hal dhibic u jiraan kaalinta 18aad oo ah booska Naadigii Gaadhaa uu Hadhayo.

 

Macalinkii hore ee Manchester City ku Hogaamiyay Horyaalka Premier League, ayaa kooxda West Ham soo geliyay Afarta sarre bilowgii xilli ciyaareedkan, wuxuuna qabtay shirkii jaraa’id ee ka danbeeyay ciyaarta isagoo aan ka hadlin inuu Waayi doono shaqadiisa 15 daqiiqo ka dib. West Ham ayaa warkaan ku shaacisay shabakadeeda rasmiga ah:

 

“Aad ayaan uga Murugeysanahay inaan go’aankaan gaadhnay” ayuu yidhi gudoomiyaha kooxda David Sullivan.

“Manuel waa nin rageed, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan la soo shaqeynay nin heerkiisa oo kale ah. Si kastaba waxaa inoo Cadaatay in loo baahan yahay isbedel si kooxda loogu soo celiyo wadada guusha iyo hamigeeda xilli ciyaareedkan.

 

“Waxaan dareenay inay aheyd lagama  maarmaan inaan talaabo qaadno haatan oo aan tababaraha cusub siino waqti ku filan oo uu isbedel ku keeni karo.

West Ham ayaa qarashgareysay 80 milyan ginni xagaagii iyagoo soo iibsaday weeraryahanada Sebastien Haller iyo Pablo Fornals.

 

Si fiican ayay ku bilowdeen xilli ciyaareedka iyagoo aan laga badinin lix kulan oo isku xigta ka dib markii ay guuldarro soo gaartay kulankii Manchester City ee maalintii furitaanka xilli ciyaareedka.

Laakiin tan iyo markii ay Manchester United ay ku garaaceen gurigooda 28kii September, waxa ay badiyeen kaliya labo jeer 13kii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker