Dowladda Canada Oo Qaadaneysa Qaxooti Cusub

Wasiirka socdaalka dalka Canada Axmed Xuseen ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa uu aqbalayo qaxooti cusub laakiin uusan wada aqbali arin dhamaan qaxootiga caalamka.

Axmed oo ka hadlayay Khamiistii xuska Maalinta Qaxootiga Adduunka ayaa sheegay in uu jecelyahay in Canada ay aqbasho Qaxooti badan.

Axmed oo laftiisa qaxootinimo ku tagay Canada ayaa sheegay in Canada aysan wada qaadan karin dhamaan 26ka Milyan ee 2018 noqday Qaxootiga.

Waxaa uu sheegay in inta badan Qaxootiga ay qaadaneyso Canada ay noqonayaan xirfadle yaal dhaqaalaha dalkaas kobcintiisa ka qeyb qaata.

Hay’adda UNHCR, ayaa sheegtay in Qaxootiga Caalamka ay hadda gaarayaan 26 Milyan oo qof,waxaana Waddamada Qaxootiga qaabilay 2018 kaalinta 1aad ka galay dalka Canada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker