Amni xumo soo wejahaday Sweden iyo Denmark sababo la xidhiidha gubitaanka qur’aanka

Booliska Denmark ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan kontaroolLada xuduudaha caalamiga ah, sababa la xidhiidha gubitaankii dhawaa ee qur’aanka oo dalkaas u horseeday khataro dhanka ammaanka ah.

Dadka u dhaqdhaqaaqa aragtiyaha midigta fog ee Denmark iyo Sweden ayaa bilihii la soo dhaafay gubay oo sida oo kale dibaatayn kala duwan gaadhsiiyey dhowr nuqul oo ka mid ah kitaabka quraanka ah.

Arrintani waxa ay ka cadhaysiisay qaar ka mid ah waddama Muslimiinta u badan waxayna dalbadeen in dhaqankaas la joojiyo.

Sweden ayaa sidoo kale sheegtay inay sameyn doonto tillaabooyin dheeri ah oo lagu hubinayo qofka isku dayaya inuu soo galo dalkaas.

Labada dawladoodba way dhaleeceeyeen in qur’aanka lagu gubo, balse ilaa hadda way ka gaabsadeen inay mamnuucaan sababo la xidhiidha xorriyatul qawlka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker