Laamaanihii uu baabuurka ku qarxay oo uu war cusub ka soo kordhay

Curt iyo Monica Villani, oo labaduba 53 jir ah, ayaa si naxdin leh naftooda ugu waayay shil baabuur oo ka dhacay Buundada Rainbow ee Niagara Falls. Gaariga ay wateen lamaanaha ayaa ku dhacay isbaaro, taasoo keentay inuu muddo kooban duulo ka hor inta uusan qarxin. Waxay deganaayeen Grand Island, New York, oo 16 kilomitir u jirta goobta shilku ka dhacay.

Dhacdadan ayaa dhacday fiidnimadii Thanksgiving, oo ah fasax mashquul badan oo Ameerika ka dhaca , taasoo keentay in si ku meel gaar ah loo xiro afar xuduudood oo gobolka ah. Mid ka mid ah wakiillada Mareykanka ee xuduudaha ayaa ku dhaawacmay. Barasaabka New York Kathy Hoeckel ayaa xaqiijisay in dhacdadu aysan ahayn weerar argagixiso.

Gaariga ayaa si xowli ah ku socday,waxana uu shil ku galay meel ku dhaw bar koontarool oo ku taala dhanka magaalada New York ee dalka Mareykanka. Gaariga ayaa gabi ahaan gubtay, waxaana ka haray oo kaliya Matoorka, lamana helin taarigii gaariga.

Buundada loogu magac daray qaanso-roobaadka iyo buundooyinka kale ee isku xira Mareykanka iyo Canada ee deegaanka ayaa si KMG ah loo xiray. FBI-da ayaa markii hore baaritaan ku sameysay dhacdada mana aysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya waxyaabaha qarxa ama ujeedo argagixiso. Kiiska ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay Waaxda Bilayska Magaalada Niagara Falls ee New York si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin waqtigan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker