Midowga Yurub oo qaaday tallaabo ka dhan ah Iran kadib markii ay hub siisay Ruushka

Midowga Yurub ayaa isku raacay cunaqabatayno ka dhan ah saddex shaqsi iyo hal hay’ad oo diyaaradaha drone-ka Iran u qeybinaya Ruushka, kuwaas oo loo adeegsaday in lagu duqeeyo Ukraine, waxaa sidaas sheegay dalka Czech oo hadda haya madaxtinimada ururka.

“Kadib 3 maalmood oo wada-hadallo ah, safiirada Midowga Yurub ayaa isku raacay tallaabooyin hay’adaha qeybinaya drone-ka Iran ee lagu garaacayo Ukraine,” ayaa lagu yiri qoraal ay Czech soo dhigtay twitter.

Cunaqabtaynada ayaa dhaqangeli doonta Khamiista maanta ah.

“Dalalka Midowga Yurub waxay isku raaceen in la hakiyo hantida saddex shaqsi iyo hal hay’ad oo mas’uul ka ah gudbinta diyaaradaha drone-ka,” ayey tiri Czech.

“Midowga Yurub wuxuu sidoo kale diyaarinayaa in cunaqabtaynada lagu sii ballaariyo afar hay’ad oo kale oo horey uga soo muuqday liiska xayiraadaha.”

Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inay afar diyaarado drone ah oo ay sameysay Iran u adeegsadeen duqeyn Isniintii ka dhacday magaalada Kyiv, waxayna sheegtay in ciidamadeeda ay soo rideen 223 diyaarado drone ah oo ay Iran sameysay tan iyo bartimihii September.

Kremlin-ka ayaa sheegay inaysan ka war hayn in ciidamadeeda ay drone-ka Iran u adeegsanayaan Ukraine, islamarkaana Tehran ayaa sheegtay in sheegashooyinka ku saabsan inay hub siineyso Ruushka “ay yihiin kuwa aan sal laheyn.”

Madaxa Golaha Midowga Yurub Charles Michel ayaa soo dhoweeyey tallaabada isaga oo isku diyaarinaya in hoggaamiyeyaasha 27-ka dal ee Midowga Yurub uu kusoo dhoweeyo shir madaxeed ka dhacaya Brussels.

“Waxaan tallaabo deg deg ah ka qaadnay Iran oo taageereysa dagaalka Ruushka ee Ukraine,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Czech Petr Fiala ayaa sheegay in xayiraadaha “lagu beegsaday shaqsiyaadka iyo hay’adaha soo saara islaamrkaana qeybiya Drone.”

“Tani waa jawaabteena cad ee ku socota taliska Iran ee Ruushka u qeybinaya drone-ka, kuwaas oo loo adeegsanayo in lagu dilo muwadaaniniinta aan waxba galabsan ee Ukraine,” ayuu yiri.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker