“Lacagta Baarlamaanku qaadanayo badh ha laga jaro oo Macalimiinta hala siiyo ….”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa ka dayriyey Xaaladda ay ku sugan yihiin Dugsiga Dawladdu maamusho, isagoo sheegay in Arday badan ay dhaceen Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Sannad-dugsiyeedkii 2017-2018.

Sheekh Aadan-Siiro oo arrintan ku soo qaatay Khudbaddii Jimcaha ee Maanta, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyey inay la yimaaddaan qorshe kor loogu qaadayo Tayada Waxbarashada Dugsiga Dawladda, taasi oo ay ka mid tahay in Mushaharka loo kordhiyo Macalimiinta.

Sheekh Aadan-Siiro oo Arrimahaa ka hadlaya isla-markaana Tusaale u soo qaadanaya Ardaydii ka dhacday Dugsiga Biyo-dhacay ee Magaalada Hargeysa, ayaa yidhi “Dugsigaa Biyo-dhacay waa dugsigii aan ka baxay, waxa ka baxay Macalinkaygii ugu wanaagsanaa, 135 Arday ka baxay, 90 Arday oo ka mid ah ayaa Imtixaankii ku dhacay, waxay ahayd inuu Is Casilo Wasiirka Waxbarashadu, waxay ahayd inuu is casilo Wasiir ku-xigeenku, waxay ahayd inuu Agaasimaha Iscasilaad gudbiyo. Dugsiga Faarax Oomaar wuxuu ahaa Dugsiga ay ka baxeen dadka Magacyada leh oo dhami, haddana 138 Arday baa Imtixaankii ka dhacay, Waayo? Macalin Wanaagsani ma joogo, Lacag wanaagsan lama siiyo Macalimiinta, intii looma ooyaanka ahayd ayaa ku ururtay, Cid Alaale iyo Cid is waydiinaysaa ma jirto, Madaxweynuhu kamuu hadal, Golayaasha kale ee Qarankuna ismay waydiin Dugsigii Biyo-dhacay, Biyo-dhacay waa Dugsigii uu ka baxay Madaxweynuhu, haddana 130 Arday oo 90 ka dhaceen, imisaa gudbay…”?

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu isbarbar-dhigay Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dawladda “Ardayga Nuuradiin ka baxay (dugsi gaar loo leeyahay) iyo Ardayga ka baxay Dugsiga Dawladdu miyeyna isku dhiig ahayn oo aanay Walaalo ahayn ? waa isku mid, laakiin kanna waa loo dedaallay (Ka Dhigta Dugsiga gaarka ah) kana looma dedaalin, faraqa u dhexeeyaa waa intaas uun, kan (Dawladda) Cid ka masuul ah ayaan jirin, kan (Gaarka loo leeyahayna) Cid baa ka masuul ah, markaasaa weliba Dawladdii dhamayd ku mashquushay Dugsiyadii gaarka ahaa ee lagu dedaalay, waxaan leeyahay waar Masuuliyaddiina garta oo Carruurta u gurmada, haddaydaan waxba ka qaban karayn Ummadda ha lugoynina ee Kuraasta banneeya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Madaxweynaha “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu kula talinaynaa, Waar Wasaaradda Waxbarashada ha laga qabto, waar Carruurteena baahan ha loo gurmado, Waar Macalimiinta Lacagta ha loo kordhiyo, Waar Xildhibaannada Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilladu waxay Mushahar u qaataan min laba Kun oo Dollar, in Maanta la yidhaahdo Macalinta Dugsiga Sare dhigayaa ha qaato 70 Dollar ee tobanka Carruurta ah leh, ee ku nool Hargeysa oo Maqsinta Kirada ahi yahay 50 Dollar, siduu kaasi Carruur wax ugu dhigi ?, waar Macalinta Lacagta u kordhiyo oo 500 dollar siiya, Waar Lacagta idinku ma lihidin ee Ummaddaa leh.”

Sheekhu wuxuu ku taliyey in Lacagta ay qaataan xildhibaannada Baarlamaanku qayb ka mid ah la siiyo Macalimiinta “Lacagta Baarlamaanku qaadanayo badh ha laga jaro oo Macalimiinta hala siiyo, Ninka Xilddhibaanka ah ee imika laba Kun ee Dollar qaataa, 800 dollar ha qaato, inta kalena Macalimiinta hala siiyo, Madaxweynahana waxaanu leenahay Mushaharka aad qaadato laba meelood Macalimiinta sii, Madaxweyne ku-xigeenkuna Mushaharkiisa ha bixiyo laba meelood oo ka mid ah, Dadkana u soo u bandhiga Lacagta waanu bixinaynaaye. Haddaydaan bixin karayn la aqbali kari maayo 135 Arday ka dhacay Faarax Oomaar, la aqbali kari maayo 90 Arday baa ka dhacay Dugsiga Biyo-dhacay, 45 keliyana way gudbeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Biyo-dhacay oo keliya kama hadlayo ee Somaliland oo dhan baan ka hadlayaa, laakiin Tusaale ahaan baan u soo qaaday Dugsiga Biyo-dhacay oo inoo dhow, waa wada Carruurteenii meel kasta oo ay joogaan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker