Ereteriya Oo Xidhay Xuduudka Ay La Wadaagto Wadanka Itoobiya

Dawladda Ereteriya ayaa xidhay isu socodka xuduudka ay la wadaagto Waddanka Itoobiya kadib markii xuduudka oo labaataneeyo sanno xidhna dib loo furay sanadkan markii ay heshiis nabadeed gaadheen labada dal.

Wakaaladda Wararka Ee AP ayaa ku warramaysa in masuuliyiinta Ereteriya culays saareen muwaadiniinta Itoobiya ee u tallaabaya dhanka Ereteriya laakiin, wali faahfaahin lagama hayo sababta keentay xannibaadda xilligan.

Afhayeenka gobolka Tigrayga Liya Kassa ayaa Association Press u sheegtay in muwaadiniinta Ereteriya si xor ah u soo galayaan Itoobiya, islamarkaana aanay ogoyn sababta Ereteriya u xannibtay Itoobiyaanka.

Waxa ay intaasi ku dartay in ay arrintan u gudbiyeen dawladda dhexe ee Itoobiya laakiin, ay u sheegeen in aanay wax macluumaad ah ka hayn xannibaadda ilaa Arbacadii socotay.

Dawladda Itoobiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd is-dhexgalka Afrika siiba fududaynta isu socodka dalalka dariska ah laakiin, dawladda Ereteriya ayaa u muuqata mid shuruucda socdaalka waydiinaysa Itoobiyaanka iyada oo la sheegay in kumanaan qof isaga gudbeen labada dal bilihii u dambeeyay ee xuduudku furna.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker