Sheekh caan ah oo loo haysto hadal uu ka yiri Nebiga (NNKH)

Guddiga Garsoorka ee gobolka Bauchi ee waqooyiga Nigeria ayaa qabanqaabinaya dood cilmiyeed loo qabanayo qaar ka mid ah culumada iyo Sheekh lagu magacaabo Idiris Cabdulcaziz Dutsen Tanshi taasi oo ku saabsan hadalo uu dhawaan ka sheegay Nebi Muxamed (NNKH).

Warqad ay guddiga u direen culumada ka soo jeeda gobolka Bauchi, ayaa lagu sheegay in dood cilmiyeedka lagu qaban magaalada Bauchi maanta oo Sabti ah 8-da April .

Bilowgii todobaadkan ayaa hadal ka soo yeeray Sheekh Idiris Cabdulcaziz Dutsen Tanshi ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn badan gaar ahaan baraha bulshada kadib markii uu ku andacooday “in uusan u baahneyn caawinta nabiga” (NNKH).

Dood tan la mid ah ayaa lagu qabtay Kano bishii July 2021 markaasoo Sheekh Abduljabbar Nasiru Kabara lagu eedeeyay inuu hadalo meel ka dhac ah u jeediyay Nebi Muxamed NNKH.

Dooda ka dib ayaa maamulku waxa ay maxkamada horkeeneen Sheekh Abduljabbar waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker