Raysal Wasaare Khayre Oo la Kulmay Xildhibaanada Mucaaridka ku ah Xukuumaddiisa .+(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kana so jeeda deegaanada Galmudug.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre la qaatay Xildhibaanada Mucaaradka ayaa waxaa diirada lagu saaray dhismaha Galmudug loo dhan yahay,Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha dawlad goboleedka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa bogaadiyay hawsha uu hormuudka ka ahaa Xasan Cali Kheyre ee Xoogga lagu saarayey gogol u xaarka dhismaha Galmudugta Cusub iyo sidii Doorashada Galmudug uga dhici laheyd Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaanada ka qeyb galay kulanka ayaa ku heshiiyay dhismaha Galmdug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara hawlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.

Xildhibaanada Mucaaradka ee kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,Xildhibaan Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda deegaanka Galmudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker