Dowladda Jabuuti oo muwaadiniinteeda ka daad guraynaysa Magaal Diridhaba.

Dowladda Jabuuti ayaa diyaarad khaas ah u dirtay boqollaal ruux oo dalka u dhashay oo dalxiis u joogay magaalada Diridhabo ee dalka Itoobiya.

Illaa labo boqol oo ruux ayaa la xaqiijiyay in garoonka diyaaradaha Diridhabe ay ka ambabaxeen,iyagoo adeegsannaya diyaarad ay dowladda Jabuuti usoo dirtay,sida ay baahisay BBC-da.

Jabuuti waxaa ay dadkeeda kala baxsanneysa rabashada Diridhaba ka socda oo lagu dilay ugu yaraan sagaal ruux oo reer Jabuuti ah,rabshadaha Diridhaba ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaallamay Soomaali iyo Oromo.

Diridhabo, waxaa sannad walba xilliga kuleylaha (xagaa bax ) u taga boqollaal ruux oo Jabuuti ka soo jeeda,waxaase saameeyay colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker