Ramadaan Kariim, In Kharka laysu sheego wey fiican tahay Muuse Biixi Xalay, Talo Qaran ayuu isugu yeedhay Haldoorkii Madax, Mucaaridba leh. Laakiin Talada hor taala ha qaato.

Muuse Xukuumadiisii, Wasiiro, agaamisayaal, saraakiil & Taliyayaal, wuxuu
ka wada dhigey Beeshiisa, horta ha saxo oo Umada hawgyu cadaalad sameeyo
Muuse Wasiiradiisa Umada ka qaylisey, ee Dumarka caayey ee uu indhaha ka
qarsanayo, weliba Derejada ku siiyey ee uri Barwaaqo, Dumar & Reeraha uu
caayey haka hor dhaqaajiyo.
Muuse Komishinkii  Doorashooyinka ee Wadanka Dhibaatada gelin gaadhay
ee Xisbiga Wadani oo haysta Mujtamaca S/Land ugu badan taageeradiisa uu
qaadacay, inuu kala diro, oo Gudi cusub uu soo dhiso, oo aanu indhaha ka lalin
Muuse Komishinka inaan cidina dib u aamaiunayn, oo uu kala diro.
Muuse, Dagaal Ceel Afweyn, cida jebisey dhaartii Ilaahay & Cid kastaa og, oo
xiitaa xildhibaanka Guurtida ee ka mid ahaa gududidii arintaa ku jirtey sheegay
cida afartaa goor jebisey, oo kol kasta dagaalka qaadaysa inay tahay, Beesha
Biciide ee uu talaabo ka qaado, oo lagu xukumo wixii lagu heshiiyey, oo aanu
indhaha ka lalin Muuse, Cida jebisay Nabada, oo aanu S/Gaal, Ina Kaahin aanu
u habran beeshoodii ayaa jebisay, Dhaartii & Nabadii.
Muuse Sixir-bararka & Shidaalka askhasaysan & Dhibaatada Bisha Ramadaan
haysta Shicibka inuu wax ka qabto, oo aanu Gudi ku meeraysan, ee Wasiiradii
Siilaanyo, ee halkaa Shicibka gaadhsiiyey, uu wax ka qabato, Maxamuud Xaashi
oo Lacagtii xumbo Weyne cuney, tii Abaarta cuney, tii Airportyada cuney, imikana Dagaal Ceel Afweyn kaw ka ah, inuu Sharciga hor keeno oo uu la xisa-
ab tamo, kolkaa Umadu wey ku aamini.
Muuse Maxamed Kaahin oo Umadu aad u neceb tahay oo dagaal ooge ahaa
oo Dagaal Ceel afweyn 7 ka tuka raqba hoosta ka wada inuu ka bedelo Wasiirk
Amniga.
Muusaw waxba qiiq hawsku qarin, Bisha Ramadaan & Talo qaran haku ordin
ee Runta abaar, oo Xukuumadaada dhinaca ka raran, cadaalad u samee Umada, Wasiirkaaga Dumarka & reeraha caayey, umada ha hor wadin oo haku
wiirsan ee xilka ka qaad, Guri Barwaaqi, Ina Kaahin isagaa Bariga belaayada ka
wada isna, xilka ka qaad, Gudida Dooroashooyinka kala dir oo Umada yey hor
iman mar dambe, Kolkaa uusaw Taladaada Qaran eed ku baaqdey wey midha
dhali, laakiin, Talo qaran hayaay ka soo kaca, Butland ayaa Dagaal inagu soo
qaadey, Tuka raq  Ceel Afweyn ayaa dagaal inaga socdaa, Caare & Beeshiisi
Sacad Yoonis ayaa Banaanka u baxay,
Muusaw Runta abaar, oo halkey Dhibaatada & Tabashadu taalo, waa sidaa
Xukuumada Reerka qudha baabi,i, oo mid loo dhan yahay dhisay, Gudida
Doorashooyinka kala dir, Guri-Barwaaqo Umada ka qari oo xilka ka qaada,
Dagaalka Ceel Afweyn Beesha jebisey ee Biciide Talaabo & Maxakmad isugu
dar, Ina Kaahin Wasiirka Amniga ka bedel, Umada eelasha ka buuxda ooda ka
qaad.
Wabilaahi Tawfiiq, Ramadaan Kariim, Ilaahay hana cafiyo.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker