Muwaadin Afuro u qaybiya dadka qaba Xannuunka Dhimirka ee Hargaysa ku nool

Muwaadin Maxamed Xuseen Jagac oo kamid ah muwaadiniinta reer Somaliland ayaa qaar kamid ah dadka la nool xanuunka Dhimirka eek u nool magaaladda Hargeysa u qaybiyey deeq afur ah.

Muwaadinkan oo Bisha Ramadan iska xil saara in uu dadkaas xanuunka Dhimirka la nool uu u qaybiye afur iyo casho ayaa maanta qaybiyey deeq afur ah oo uu ugu talo galay dadkaasi.

Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha Jimciyadda Sancaani Foundation ayaa ka warbixiyey deeqdan afurka ah ee uu dadkaasi u qaybiyey iyo waxyaalaha ku dhaliyey, waxaanu tilmaamay in maalintii ay xidhan yihiin hudheeladii ay ka cuni jireen cuntooyinku, sidaas darteedna uu habeenkii afurka ama cashada u qaybiyo dadkaas.

Muwaadinkan ayaa usoo jeediyey bulsho weynta reer Somaliland, gaar ahaana ganacsatada iyo dadka maalqabeenka ah in ay gacan ka geystaan sidii loo kaalmayn lahaa dadka la nool xanuunka Dhimirka ee aan haysan cid wax tarta, lagana faa’iidaysto bisha barakaysan ee Ramadan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker