Fu’ad Shan Gole oo Ka Mida Hogaanka Al Shabaab iyo Saraakiil kale oo Duqayn lagu Dilay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyn ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka Bakool lagu dilay hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan kooxdaasi.

Xogta ayaa sheegaysa in duqeynta lagu dilay Fu’aad Maxamed Khalaf Shangole, iyo labo sarkaal kale oo ka tirsan Al-shabaab, laakin KNN si rasmi ah uma xaqiijin karto warka ku saabsan dilka Fu’aad Shangole, balse waxaan xogtan ka soo xiganayay masuuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaaliya

Cabdixakiin Gamadiid oo ah wakiil wareedka KNN ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa soo sheegaya in weli dagaal iyo duqeymo culus ay ka socdaan deegaanka Aato ee gobolka Bakool.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Aato.

Xigasho Radio Kulmiye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker