Maayirka Hargeysa Weli Muu Dhalan Kii Ku Badli Lahaa

Mudo xileedkii madaxweyne Siilaanyo shir uu kaga qayb galay Maayirka Hargeysi magaca SOMALILAND wuxu ka yidhi isagoo amaanaaya Diktaatoorka Djibouti

“Ismaaciil Cumar Geele Malaha Kii Badali Lahaa Muu Dhalan”

 

Halgankii dib u Xoraynta dalkan iyo dadkan SNM waxay ka dagaalantay dulmi iyo keli-talis mucangag ah,

Sidoo kale si aynu ictiraaf u helo Somaliland waxay iib gaysaa Nidaamkaygu waa dimquraadi “dadku is xukuma” Doorashooyin dhaca 5tii sano Madaxweyne cusub , Barlamaan cusub , Golayaal Dawladaha Hoose cusub, xoriyada hadalka iyo dooda bulshada dhexdeeda, Garsoor madaxbanaan, Warbaahin si xor ah u gudbisa warka …..

Shacabka Djibouti ee dulman waxa ku habsaday keli taliye isku darsaday awoodihii dawladnimo iyo dhaqaalihii dalka waxa lagu tilmaamaa ” in yar oo wax walba haystaa iyo dad badan oo waxba haysan” Aqoontii fiicnayd laftigeeda inta yar ayaa kooto loogu xidhay

 

Maayirka Hargeysa marka uu matalayo naftiisa wuxu doono ha ku hadlo Lkn markuu ku hadlayo Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan MAYA yeeli mayno “wasaarada arimaha dibeda ayaa gabtay xilkaa”

Somaliland dulmi ka dagaalantay sidee uga raali ahaataa in shacabka “Djibouti” ku taageerno DULMI lagu hayo, Diin iyo Dhaqanka suuban meelna kama soo gasho

 

Siyaasada waxa gala dad gaar ah hibo dheeraad ah leh aqoon gaar ah leh af dublamaasi ah ku hadla garasho iyo gaaraad siyaasi ah leh wey fiicnaan lahayd hadii ay jiri lahayd jaamacad lagu bartaa balse ma jirto

 

Alaahuma Hal-balaqtu fashhad

 

Maxamed Xoosh

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker