Madaxweyne ku xigeenka Argentina oo dil ka badbadday

Madaxweyne ku xigeenka Argentina Cristina Fernández de Kirchner ayaa dirqi uga badbaadday isku day dil oo lala damacsanaa.

Haweneydan maadaxweyne ku xigeenka u ah dalka Argentina waxay dilka uga badbaadday ninki dilka geysan lahaa oo ay xabadda u dhici weysay.

Cristinia ayaa xilliga iskudayga dil loo geysanayey ku sugneyd afaafka hore ee gurigeeda xilli ay salaameysay taageerayaasheeda oo halkaa ku soo uruuray.

Booliskuna waxay gacanta ku dhigeen ninki dilka geysan rabay iyaga oo baaritaan ku hayo.

Iskudayga dil ee madaxweyne ku xigeenka ayaa ku soo beegmaya xilli ay maxkamadda dhageysaneyso dacwad musuqmaasuq oo loo soo jeediyey.

Kiiska dacwadda ee ku socota Cristina haddii lagu helana maxkamadda waxay ku ridi doontaa 12 sano oo xarig ah iyo noolosheeda inta ka dhiman oo siyaasadda laga mamnuuco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker