Cudurka Daacuunka oo ka dilaacay magaalada Mandheera

Cudurka Daacuunka oo dhawr gobol oo dalkan Kenya ah ka dilaacay, oo horeyna loogu arkay gobollada Gaarissa iyo Wajeer, ayaa haatanna la xaqiijiyey inuu gaaray Mandheera.

Bishan January bartamaheedii, ayaa qofkii ugu horeeyey ee cudurkaasi ku dhacay loo dhigay isbitaalka.

Dr Maxamuud Aadan Maxamed, oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ee maamulka Mandheera, ayaasheegay in muda ahba iney dadaal iyo kahortag ku jireen, si aanu cudurka Daacuunka usoo gaarin.

Ha yeeshee dhakhtarka, ayaa carabka ku dhuftay in 15-kii Bishan Janaayo, uu soo gaarye maamulka Mandheera cudurka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker