Tahriibayaal badan oo Somali ah kuna sugnaa Dalka Libya oo ku dhintay Duqayn Loo gaystay

Tripoli (OWN) -Ugu yaaraan 40 Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday gudaha dalka Libya, halka ay ku dhawaacmeen 80 kale, kadib markii ay Madaafiic ku habsatay meel lagu xidho soo galootiga oo ku taalla dalkaasi.

Xarunta la duqeeyay ayaa ku taalla bariga Tajoura oo ka tirsan magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Libya.

 

Dadka dhintay ayaa inta badan ka soo jeeda dalalka Qaaradda Africa, sida Sudan, Eretria iyo Somalia.

Warar ay heshay Caasimadda Oodwaynemedia  ayaa ku warramaya in muhaajiriinta geeriyooday ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaas oo aan weli tiradooda la shaacin.

 

Cusmaan Cali Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Libya ayaa u sheegay wakaallada wararka ee AFP in dhismaha uu weerarku ka dhacay ay ku xidhnaayeen 150 Maxbuus, islamarkaana la helay kaliya 35 qof.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in tiro intaas ka badan ay ku hoos jiraan dhismaha, balse haatan ay wadaan gurmad xoogan.

Dowladda ay aqoonsan tahay QM ee Libya, fadhigeeduna yahay Tripoli ayaa weerarkan ku eedeysay dagaal oogaha dalkaasi Khaliif Xaftar.

Balse afhayeen u hadlay Generaal Xaftar ayaa diiday eedeyntaasi, isagoona waxba kama jiraan ki tilmaamay warkaasi.

Libya waxaa la dagay dagaallo sokeeye iyo kala qeybsanaan, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheeraa ee Mucamar Al-Qadaafi 2011-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker