Ruushka iyo Mustaqbalka Libya

Berri dhawayd waxaa dhacday in Ruushku kulan laggu heshiisiinayo garabyadda ku loolamaya wadanka Libya ku qabtay Magaalada Moosko , kulankaas maxsuulkii kasoo bixi lahaa waxaa diiday oo si xun uga horyimi Gen Haftar oo isu arkayay maalmahaa in aanu cidna u baahnayn , Ruushkuna arrintaa wuxuu u arkay ihaano loo gaystay iyo quudhsi .

 

Bishii horre markuu uu xoogaystay dagaalka Libya Ruushku wuxuu la saftay xulifadda UAE iyo Masar oo taageeraysa Haftar hassa yeeshee si toosa uguma hagar bixin  , joogitaankiisuna wuxuun baa ahaa qawda maqashii waxna ha u qaban , farbaase u taagnayd .

 

Gen imika waa la baraq-jabiyey , xulifadii Turkigga iyo Qadar oo taageeraya dawladda QM aqoonsantahay ayaana dhabanaano xoogle ku dhaftay , waxaana lagga riixay inta badan Galbeedka Libiya ,meelahah lagga qabsadayna waxaa ugu danbeeyey Garoonki Diyaaradaha ee Tripoli iyo Magaaladii dalxiiska ee Sirta .

 

Danta Ruushka ,

 

Intii ka danbaysay dagaalkii laggu hoobtay ee Suuriya Ruushku wuxuu door muuqda ka ciyaaraa arrimaha Bariga dhexe , waxaanu saamayn toosa ku yeeshay qadiyadaha ka socda gobolkaas , waxaana muuqata in uu kasoo kabanayo dayacaadii Ruushku dayacay Ciraaq waagii xidiggu ka fooraray , ujeedada imika uu libiiya u joogana waxaa laggu sheegay labadan qodob .

 

In uu saamayn ku yeesho badda midhatareeniyanka oo kulaalaysa wadamadda galbeedka Yurub sidda Talyaanigga iyo Spain .

 

Iyo in uu khayraadka wadanka Libiya ee la boobaya qaybtiisa qaato, sidaa darteed ciyaartii rasmiga ahayd ee ruushku imika ayuun bay bilaabantay .

 

Sidda xogaha hoose ee durba soo baxayaana waxay  sheegayaan

in Ruushku doorbidayo  nin awoode ( Strong man )  oo aan ahayn Gen Haftar ,  kaasoo dawlad u gaara kagga dhawaaqa Bariga Libya oo ah meesha Ruushku uu danaynayo , isagoo raba in dawladda Bariga libaya ee uu samaysanayo la macaamilo , Saaxiibkii Turkiguna wuxuu isku balaadhin doonaa Galbeedka Libiya , sidaana mustaqbalka Libya waxaa loo saadaalinayaa in uu dhawaan u kala qoqobmo Barri iyo galbeed .

 

FG , Diblomaasi ma ihi , laakiin waxaan ku taxanahay wararka caalamiga ah .

 

 

Axmed Nuur Guruje

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker