Afar Haweena oo ka mid noqonaya garsoorayaasha dhex dhexaadinaya ciyaaraha Koobka Afrika

Garsoore Salima Rhadia Mukansanga, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Rwanda, ayaa saacadaha soo socda sameyn doona taariikh cusub, marka ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee garsoore ka noqota ciyaar kamid ah ciyaaraha ragga ee Kubadda Cagta ee tartanka Qaramada Afrika ee haatan soconaya.

Mukansanga, ayaa 35 sano jir ah, ayaa dhexdhexaadin doonta ciyaarta heerka guruubyada ee Zimbabwe iyo Guinea maanta oo salaasa ah, taasoo maanta lagu ciyaari doono garoonka Ahmadou Ahidjo ee magaalada Yaounde.

Waxey qeyb ka tahay koox dumar ah oo garsoorayaal ah, oo loo soo xuley iney kamid noqdaan maamulayaasha ciyaaraha koobka Qaramada Africa.

Tani waxey noqoneysaa markii ugu horeysay oo koox haween ah ay marti galiyaan ama dhex dhexaadiyaan ciyaar dhex mareysa ragga, oo ka tirsan koobka Qaramada Afrika tan iyo markii la aasaasey.

Caawiyeyaasha ayaa noqon doona Carine Atemzabong, oo u dhalatey dalka Cameroon, iyo Fatiha Jermoumi, oo u dhalatey dalka Morocco, iyo sidoo kale caawiyaha kale ee Bouchra Karboubi, oo iyadana u dhalatey dalka Morocco.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker