Buurtii Foolatay, Ma Bakaylay Dhashay? Qaybtii Saddexaad: Tahriibintii Shirka

Akhristayaal, intiinna aan soo akhrisannin labadii qaybood ee hore ee qormadani, fadlan ka soo daalacda mareegaheenna sharafta leh ee soo daabacay qaybihii hore.

Dulucda qaybtani waa foolerigii ama tahriibintii shirka! Sidii aynnu la wadasoconney, shirkan waa la dedejinayey oo cid baa si xowli ah oo carisqal (abortion) ah u waddey qabanqaabadiisa iyo qorshihiisaba!!
Haddaba, iyada oo la wada ogyahay xaaladda maanta adduunku ku jiro oo ah; nin walbaan halka aad joogtid har ka qodo – (Covid 19)ka awgii, ayaa shirkan oo aan tabaabushe hore loo gelin la yidhi degdeg ha loo yimaaddo! Haddaba, su’aasha meesha taallaa waxa weeyi; ayaa fooleryayey ee uu shirku ka xab-bururinaayey?
Su’ aashaasi jawaabteedu ma sahlana oo Alle ayaa innaga og. Waxaynnuse sadarada dhexdooda (between the lines) kala soo bixi karnaa; in madaxweynaha Soomaaliya mudane Farmaajo iyo madaxweynaha Jabuuti mudane Geelle ka dambeeyeen xaaladdaa fooleriga ah ee qabanqaabada shirka! Arrintaa waxaynnu u cuskan karnaa caddaynteeda dhawrkan arrimood ee hoosta ku xusan:

  • Haddii aynnu ku horraynno dhinaca Jabuuti iyo dheriga ka karayey ee ka gaadhsiiga ahaa; waxaynnu odhan karnaa laba duruufood oo degdeg ah ayaa siyaasad ahaan soo foodsaaray. Kuwaasi oo kala ahaa:
  1. Bannaanbaxyadii ka dhashay ninkii askariga ahaa ee jeelka dhexdiisa ka soo diray, duruufta xun ee uu ku nool yahay. Halkaasi dawladda Jabuuti dab ayaa uga bidhaamay ay mudaharaad ku hakin karto ama kuba joojin karto. Waayo, dadka reer Jabuuti way ku adkaanaysaa; in ay bannaanbaxyo sameeyaan isaga oo shir weyn oo walaaladood loo qabtay socdo oo weliba iyaga marti loo yahay. Ammaanka oo la xoojiyeyna wax kaga dar – calaashaan shirka awgii!
  2. Iyo arrinta kale oo ahayd, loolanka ay Jabuuti ugu jirtey ku fadhiisiga kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka oo iyaga iyo Kiiniya loolan adag ugu jirey kursigaasi oo cod loo qaadayey bishan Juun 16keeda – xasuusnow shirkuna wuxu Jabuuti ka bilaabmay 14kii Juun! Miyaanay ahayn, ” Dayaxa iyo wiilku isku qummanaa!”
    Haddii aynnu u soo dhaweynno dadka aan fahmin guusha siyaasadeed (political gain)ka Jabuuti ugu jirey qabashada shirkan iyo xilligan, qabashada shirku wuxu Jabuuti siinayay badhitaar dhinaca loolanka ay Kiiniya kula jirto ah. Waayo, waxa la yidhi, ” Meyd maxaa u dambeeyey, iyo kaa la sii sido.” Xasuusnow, in kursiga loo tartamayey ahaa kursi ammaan (nabadgelyo); Jabuutina dani ugu jirtey, in ay shirkan qabato xilligan. Waayo, wuxu ahaa shirkani shir nabadayn ah oo maqaamkeeda kor-u-qaadayey xagga caalamka. Haddaba, adigaba ha laguu dhiibee; ma wax aan diyaarado la kala dirin baa? Ku darsoo, dabaaldeggii xornimada Jabuutina ayaamo yar ayaa ka hadhsan – waa tii 43naad.
    Allaa inna lahe, waxay ahayd, in ay Jabuuti kursigaasi Golaha Ammaanka iyo shirkaba ku guuleysato; si ay guulaheeda sannadkan ugu darsato maalinta dabaaldegga. Si kastaba ha ahaatee, waynnu hambalyaynaynaa; dawladda iyo dadka reer Jabuutiba dadaalkii ay galeen- intii shirku socdey.

 

La soco qaybaha kale ee qormada oo xiiso leh. Waa haddii Eebbe idmo.

 

Abdullahi Mohamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker